Uganda oo ka digtay caqabado waaweyn oo soo wajahay howlgalka AUSSOM
Dowladda Uganda ayaa sheegtay in howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) uu wajahayo caqabado waaweyn oo dhinaca maalgelinta iyo saadka ah, iyadoo taageerada Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) lagu wado inay dhammaato dhammaadka sanadkan.
Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda, Muhoozi Kainerugaba, ayaa ka sheegay shir aan caadi ahayn oo ay Kampala ku yeesheen dalalka ciidamada ku leh AUSSOM in loo baahan yahay qorshe degdeg ah oo lagu sii wadi karo howlgalka marka ay dhammaato taageerada UNSOS.
Kainerugaba ayaa sheegay in UNSOS ay hore u dhintay taageeradii ay siin jirtay AUSSOM iyo Cutubka Ilaalada Qaramada Midoobay boqolkiiba 25, taas oo uu sheegay inay durba saameyn ku yeelatay waxqabadka ciidamada ee gudaha Soomaaliya.
Sida uu sheegay, dhimistaasi waxay ku qasabtay ciidamada inay dib u habeeyaan mudnaantooda, iyadoo meelaha qaar ay hoos u dhacday awooddii howlgalka.
Shirka oo soconaya saddex maalmood ayaa waxaa ka qeybgalaya taliyeyaasha ciidamada, wasiirrada gaashaandhigga iyo madax ka socda Uganda, Soomaaliya, Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Masar iyo Kenya. Waxay ka arrinsanayaan xaaladda amniga Soomaaliya, diyaargarowga ciidamada ammaanka Soomaaliya, hirgelinta go’aannadii hore ee AUSSOM iyo sidii loo heli lahaa qaab cusub oo lagu maalgeliyo howlgalka wixii ka dambeeya dhammaadka taageerada UNSOS.
Taliyaha ciidamada Uganda ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanku uu muujiyay inuusan taageeri doonin cusboonaysiinta oggolaanshaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee AUSSOM, arrintaas oo uu sheegay inay sii kordhinayso baahida loo qabo ilo kale oo lagu maalgeliyo howlgalka.
Waxaa la filayaa in madaxda dowladaha ka qeybgalaya shir-madaxeedka Kampala ay soo saaraan warmurtiyeed wadajir ah oo qeexaya go’aannada ku saabsan iskaashiga amniga, maalgelinta iyo mustaqbalka howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.




