Mareykanka oo caddeeyay in Xasan Daahir Aweys aan laga qaadin cunaqabateynta

owladda Mareykanka ayaa dib u habeyn ku sameysay liiska cunaqabateynta, iyadoo ka saartay 84 qof iyo hay’ado ka mid ahaa in ka badan 17,000 oo diiwaan oo ku jiray nidaamka cunaqabateynta.

Waaxda Hantida Mareykanka (OFAC) ayaa sheegtay in tallaabadan ay qayb ka tahay qorshe lagu nadiifinayo laguna casriyeynayo liiska, si loo yareeyo culayska ka haysta bangiyada iyo hay’adaha maaliyadda ee hubinta dadka iyo hay’adaha saaran cunaqabateynta.

Dib u habeynta ayaa isugu jirtay ka saarista diiwaanno duugoobay, dad geeriyooday iyo hay’ado aan hadda jirin, iyo sidoo kale mideynta magacyo si khalad ah ugu qornaa liiska wax ka badan hal mar.

OFAC waxay sheegtay inay isku dartay 18 diiwaan oo is-dul saarnaa si loo fududeeyo baaritaannada ay sameeyaan hay’adaha maaliyadda, loona hubiyo in liiska uu noqdo mid sax ah oo hufan.

Mid ka mid ah diiwaannada dib loo saxay ayaa ahaa kan Sheekh Xasan Daahir Aweys, oo hore uga tirsanaa hoggaanka Al-Shabaab, balse haatan ku jira gacanta dowladda Soomaaliya. Magaciisa ayaa hore ugu jiray liiska wax ka badan hal mar, waxaana lagu sameeyay sixitaan farsamo oo lagu mideeyay diiwaannada is-dul saarnaa.

Si kastaba ha ahaatee, Waaxda Hantida Mareykanka ayaa caddeysay in Xasan Daahir Aweys uusan ka bixin cunaqabateynta. Isaga iyo hantidiisa ayaa weli ku jira liiska rasmiga ah ee dadka iyo hay’adaha lagu beegsado cunaqabateynta la xiriirta maalgelinta argagixisada.

Hay’addu waxay sheegtay in dib u eegista liiska looga golleeyahay in cunaqabateyntu si sax ah u beegsato khataraha amniga qaranka iyo maalgelinta argagixisada, halkii lagu sii hayn lahaa diiwaanno duugoobay ama xog is-dul saaran.

Waxay sidoo kale xustay in magaca kasta oo laga saarayo liiska uu maro dib u eegis ay sameeyaan hay’adaha dowladda Mareykanka, si loo hubiyo in tallaabadaasi aysan saameyn ku yeelan amniga qaranka ama siyaasadda arrimaha dibadda.

Mareykanka ayaa si weyn u ballaariyay barnaamijyadiisa cunaqabateynta ee ka dhanka ah argagixisada kaddib weerarradii 11-kii Sebtembar 2001, isagoo sameeyay liiska dadka iyo ururrada lagu aqoonsaday argagixisada caalamiga ah.

13-kii Abriil 2010, OFAC ayaa Xasan Daahir Aweys ku dartay liiska cunaqabateynta ee la xiriira Soomaaliya, iyadoo fulinaysay amar madaxweyne oo daba socday go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee 12-kii Abriil 2010, kaas oo sidoo kale cunaqabateyn ku soo rogay Aweys.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker