Bootar ay Soomaalidu u mariso carruurta oo maxkamad xukuntay in kansar laga helo

Shirkadda Johnson & Johnson (J&J) ayaa soo jeedisay inay bixineyso ilaa $5.5 bilyan (£4.14 bilyan) si loo xalliyo tobannaan kun oo dacwadood oo ka socda Maraykanka, kuwaas oo ku eedaynaya in bootarka carruurta iyo badeecooyin kale oo ay ku jirto talcum ay sababaan kansarka ugxan-sidaha.

Heshiiskan la soo jeediyay oo taariikhi ah ayaa ujeeddadiisu tahay in lagu soo afjaro dagaal sharciyeed muddo dheer socday, kaas oo sannado badan culays ku ahaa shirkaddan weyn ee daryeelka caafimaadka ee fadhigeedu yahay gobolka New Jersey.

J&J waxay beenisay in badeecooyinkeeda ku salaysan talc ay sababaan kansar, waxayna wax ka beddeshay qaaciddada bootarkeeda carruurta ee si weyn loo isticmaali jiray.

Erik Haas, oo ah madaxweyne ku xigeenka waaxda dacwadaha ee shirkadda, ayaa Isniintii sheegay in eedeymahaasi ay yihiin kuwo “aan sal iyo raad lahayn”, isla markaana J&J ay diyaar u tahay inay heshiis gaarto si arrintan ugu dambayn loo soo afjaro.

J&J waxay sheegtay in heshiisku dabooli doono qiyaastii 76,000 oo dacwadood, kuwaas oo ka kooban inta badan dacwooyinka haray ee la xiriira talc. Shirkaddu waxay sheegtay inay bixin doonto ilaa $3 bilyan sanadka soo socda, iyadoo aan wax lacag-bixinno dheeraad ah la filayn ka hor 2028.

Soo jeedintan waa inay aqbalaan shirkadaha qareennada ee matalaya 95% dacwooyinka kansarka ugxan-sidaha ee yaalla maxkamadaha gobollada iyo kuwa federaalka ka hor inta aan heshiiska si rasmi ah loo dhaqan gelin, sida ay sheegtay J&J.

Haas wuxuu bayaan ku sheegay in shirkaddu ay ku kalsoon tahay inay “ugu dambayn guulaysan lahaayeen dacwadaha haddii ay sii socon lahaayeen”, sida ay ugu guulaysatay inta badan kiisaskii maxkamadaha la horgeeyay ilaa hadda.

Wuxuu intaas ku daray in xalka la soo jeediyay uu “shirkadda u saamaxayo inay arrintan gadaal u dhigto” isla markaana uu u oggolaanayo J&J inay “diiradda saarto himiladeeda ah horumarinta dawooyin iyo qalab caafimaad oo badbaadiya nolosha dadka.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker