๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐š๐ฒ๐›-๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐—๐š๐Ÿ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐š๐ก-๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐—๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐๐ฎ๐ซ๐ซ๐š๐š’๐๐š, ๐ƒ๐ฎ๐ฎ๐›๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐š๐š๐›๐š๐œ๐š๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ซ’๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐Š๐š๐ซ๐ข๐ข๐ฆ๐ค๐š ๐š๐ก

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta ka qayb-galay Xafladda Daah-furka Xulka Qurraa’da Somaliland, Duubista iyo Daabacaadda Qur’aanka Kariimka ah, oo ahayd munaasibad taariikhi ah oo kor loogu qaadayay adeegga, adkaynta iyo faafinta Kitaabka Alle.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu yahay Adeegaha Qur’aanka Kariimka ah, isaga oo bulshada Somaliland ugu baaqay in ay ku faro adaygaan Qur’aanka Kariimka ah iyo Diinteenna Suubban, isla markaana ay weyneeyaan Qiyamka Diinta Islaamka oo ah saldhigga nolosha bulshada, nabadda, akhlaaqda, caddaaladda iyo horumarka bulshada.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu bulshada JSL ugu baaqay in ay Qur’aanka Kariimka ah ka dhigtaan Manhajka iyo Marjaca noloshooda haga, kuna dhaqmaan tilmaamaha iyo tusaalaha wacan ee ay innagu hagayso Diinteenna Suubbani, si loo adkeeyo nabadda, walaalnimada, caddaaladda iyo wadajirka Qaranka JSL.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si weyn u bogaadiyey kaalinta qiimaha leh ee ay Culimada Somaliland ku leeyihiin adkaynta nabadda, xasilloonida, hagidda bulshada, xoojinta wadajirka ummadda iyo kobcinta qiyamka Diinteenna Suubban ee ay ku dhisan tahay Jamhuuriyadda Somaliland.

Gabagabadii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Alle (SWT) ka baryey in uu Somaliland ku mannaysto nabad waarta, barwaaqo, midnimo Qaran iyo hoggaan ku dhaqma Kitaabka Alle iyo Sunnada Rasuulka (NNKH), isla markaana uu ka abaalmariyo dhammaan Culimada iyo Qurraa’da u taagan adeegga iyo adkaynta Diinta Islaamka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker