Zelensky: Waxaan beegsanay maraakiib Ruush ah oo Badda Caspian-ka ku daabulayay agab militari oo la xidhiidh Iran.
Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in ciidamada dalkiisu ay bartilmaameedsadeen maraakiib Ruushku leeyahay oo ku sugnaa Badda Caspian-ka, kuwaas oo sida agab militari oo la xiriira dalka Iran.
Volodymyr Zelensky ayaa bartiisa X (oo hore loo oran jiray Twitter) ku qoray in markab dagaal oo Ruushku leeyahay sidoo kale la bartilmaameedsaday intii lagu guda jiray weerarradan masaafada dheer ee ka dhacay gobolka Badda Caspian-ka.
Mr. Zelensky faahfaahin dheeraad ah kama bixin weerarradaas, balse wuxuu sheegay in ciidamada Ukraine ay sidoo kale bartilmaameedsadeen warshad ku taal magaalada Kirov ee dalka Ruushka, taas oo u jirta 1,200 oo kiiloomitir xadka u dhexeeya labada dal.
Wuxuu sheegay in warshaddan ay “soo saarto qaybo ka mid ah hubka uu Ruushku u adeegsado dadkeenna.”
Sida uu sheegay Mr. Zelensky, weerarrada Ukraine waxaa sidoo kale lagu bartilmaameedsaday warshad sifeynta saliidda oo ku taal magaalada Tyumen, xarun saadka iyo maaraynta agabka oo ku taal Yekaterinburg, iyo goob lagu kaydiyo shidaalka oo ku taal Rostov-on-Don, kuwaas oo dhammaantood ku yaalla dalka Ruushka.




