Xuutiyiinta Yeman oo ku dhawaaqay in ay beegsadeen xarumaha shirkadda Shidaalka ee Sacuudiga
Xuutiyiinta Yemen oo taageero ka helaya Iran ayaa ku dhawaaqay inay beegsadeen xarumaha shirkadda Shidaalka ee Sacuudiga ee Aramco ee magaalooyinka Jizan iyo Yanbu.
Yahya Saree, oo ah afhayeenka milatariga xuutiyiinta, ayaa bayaan uu soo saaray sabtidii ku sheegay in kooxda “ay fuliyeen hawlgalo ka dhan ah xarumaha Saudi Aramco ee Jizan iyo Yanbu.”
Sacuudiga ayaan weli ka hadlin arrintan.
Xuutiyiinta ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay weeraro ka dhan ah maraakiibta ka geystay Badda Cas, kadib markii ay ku dhawaaqeen cunaqabateynta ganacsiga badda ee ka dhanka ah Sacuudiga.
Iyagoo ka jawaabaya go’doomintan dhanka badda ah, Sacuudi Carabiya ayaa beegsaday fariisimaha Xuutiyiinta ee magaalada dekedda leh ee Xudeydah ee Yemen, iyo sidoo kale jasiirad ku dhow.




