๐๐๐ฑ๐ฑ๐ผ๐ผ๐บ๐ถ๐๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ซ๐ถ๐๐ฏ๐ถ๐ด๐ฎ ๐ช๐๐๐๐๐ก๐ ๐ข๐ผ ๐๐๐น๐ฎ๐ป ๐ ๐๐ต๐ถ๐ถ๐บ ๐๐ต ๐๐ฎ ๐ค๐ฎ๐ฎ๐๐ฎ๐ ๐ ๐ถ๐ฐ๐ต๐ฎ๐ฒ๐น ๐ฅ๐๐ฏ๐ถ๐ป
โ
โGuddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane Xirsi Cali X. Xasan ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Mr. Michael Rubin oo ah taariikh-yahan Maraykan ah iyo khabiir ku xeeldheer Arrimaha Geeska Afrika iyo Amniga Caalamiga ah.
โ
โIntii uu kulanku socday, Mr. Michael Rubin ayaa guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali X. Xasan uga xog warramay dedaallada ictiraaf-raadinta Jamhuuriyadda Somaliland ee uu qaybta ka yahay, isaga oo sheegay inuu rejo weyn ka qabo in dalal kale ay dhawaan aqoonsan doonaan dalka Somaliland. Waxa kale oo uu xusay in xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanku si joogto ah u sii xoogaysanayo haddana uu marayo halkii ugu fiicnayd.
โ
โGuddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane Xirsi Cali X. Xasan, ayaa uga mahadnaqay Michael Rubin doorka iyo dedaalka muuqda ee uu muddada dheer gelinayay qaddiyadda ictiraaf-raadinta Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu sida oo kale sheegay in Xisbiga WADDANI iyo Xukuumadda Somaliland ay si mideysan u wadaan dedaallada lagu xaqiijinayo in Somaliland ay aqoonsi caalami ah ka hesho dhammaan dalalka dunida.
โ
โGuddoomiyuhu waxa uu sheegay in uu kalsooni ku qabo in dalal kale ay dhawaan ku soo biiri doonaan waddamada aqoonsan Somaliland, isaga oo sida oo kale bogaadiyey dedaallada xubno ka tirsan Golaha Guurtida Maraykanka (Senators) ee ka shaqaynaya sidii Somaliland u heli lahayd aqoonsi buuxa oo uga yimaadda Maraykanka iyo beesha caalamka




