Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Doorashada Soomaaliya waa in laga saaraa gacanta dowladda iyo dowlad-goboleedyada
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in xal waara oo laga gaaro muranka doorashooyinka Soomaaliya uu ku imaan karo oo keliya haddii maamulka doorashada laga dhex saaro Dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada iyo dhinacyada kale ee siyaasadda, isla markaana lagu wareejiyo guddi madax-bannaan oo ay ku wada heshiiyaan dhammaan saamileyda siyaasadeed.
Cabdiraxmaan ayaa sheegay inuusan taageersanayn in maamulka doorashada lagu koobo Dowladda Federaalka ama dowlad-goboleedyada, isagoo ku dooday in habka saxda ahi uu yahay in dowladda dhexe, dowlad-goboleedyada, mucaaradka iyo maamullada waqtigoodu dhammaaday ay si wadajir ah u dhisaan hannaan lagu kalsoonaan karo.
Wuxuu sidoo kale sheegay in, inta uu dalku ku jiro nidaamka awood-qaybsiga ee 4.5, kuraasta ay weli ku xiran yihiin beelaha, balse ay muhiim tahay in codbixinta loo furo dhammaan shacabka ku nool deegaanka kursigu yaallo, halkii ay go’aamin lahaayeen ergooyin ama guddiyo uu saameyn ku yeesho maamulka talada haya.
Sida uu sheegay, guddiga doorashada waa inuu noqdaa mid madax-bannaan oo maamula diiwaangelinta codbixiyeyaasha, habraacyada doorashada, tirinta codadka iyo ku dhawaaqista natiijooyinka, iyadoo aanay jirin faragelin siyaasadeed.
Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale dhaliilay habka ay u dhaceen qaar ka mid ah doorashooyinka kuraasta baarlamaanka ee dowlad-goboleedyada, isagoo ku dooday in natiijooyinka qaarkood ay horay u sii caddaayeen, taas oo meesha ka saaraysa tartan dhab ah.
Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay hannaan doorasho oo dhex-dhexaad ah oo ay ku wada kalsoon yihiin dhammaan dhinacyada, si loo xaqiijiyo doorasho hufan oo ka madaxbannaan saameynta siyaasadeed.




