Boqor Buurmadow: “Haddii calanka iyo caasimadda la siiyo Somaliland, aynu Soomaaliya la midoowno”

Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow), oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in wada-hadal dhex mara Somaliland iyo Soomaaliya uu yahay waddada ugu habboon ee lagu xallin karo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya labada dhinac.

Waraysi gaar ah oo uu siiyey Dirane TV, ayuu Boqor Buurmadow ku sheegay in Soomaaliya ay tahay dhinaca ugu dhow ee ay Somaliland wax la qabsan karto, isaga oo ku baaqay in si dhab ah loo bilaabo wada-hadallo. Waxa uu sidoo kale sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u arko qof ku habboon in wada-hadalkaas lala yeesho.

Boqorku waxa uu sheegay in haddii Somaliland la siiyo calanka iyo caasimadda, uu taageersan yahay in labada dhinac dib u midoobaan. “Haddii calanka iyo caasimadda la siiyo Somaliland, aynu Soomaaliya la midoowno, maxaynu ku diidi.”

Waxa uu sidoo kale sheegay in xidhiidhka Somaliland la yeelatay Israa’iil uu ka dhashay, sida uu sheegay, cadaadiska siyaasadeed ee kaga imanaya dowlada Soomaaliya. Sida uu sheegay, haddii labada dhinac ay heshiin lahaayeen, aanay Somaliland u baahdeen inay xidhiidh noocaas ah samaysato.

Boqor Buurmadow ayaa ku dooday in tabashada Somaliland ay tahay mid siyaasadeed, isla markaana aanay ka dhignayn nacayb ay u qabto Soomaaliya. Waxa uu intaas ku daray in haddii Soomaaliya ay muujiso diyaar u ahaanshaha wada-hadal iyo xal u helidda tabashooyinka jira, uu ku talin lahaa in Somaliland dib u eegto xidhiidhka ay la leedahay Israa’iil.

Hadallada Boqor Buurmadow ayaa imanaya xilli xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo dowlada Soomaaliya uu marayo meeshii ugu xumayd, labada dhinac ayaa kusii kala fogaaday heshiisyadii kala dambeeyay ee ay Hargaysa la gashay Itoobiya iyo Israa’iil.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker