“Waxaan saaka booqasho ku tagay xarunta guud ee Xisbiga KULMIYE, halkaas oo aan kulan gaar ah kula yeeshay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muj. Maxamed Kaahin Axmed.
Is xog-waraysi dheer kadib, Kulankayaga waxaan kaga wada hadalnay xaaladda iyo hawlaha xisbiga, waxaanan si qoto dheer uga wada hadalnay hawlaha iyo waajibaadka baaxadda leh ee horyaalla xisbiga.
Xisbiga KULMIYE waa xisbi taariikh dheer ku leh Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana uu mar walba ku suntanaa in arrimaha dhexdiisa ku yimaada ee la xidhiidha Kala-aragti-duwanaanshaha lagu dhameeyo wada-tashi, is-afgarad iyo is-qancin, aniguna aan odayga ugu ahay arrimaha xisbiga, waana hannaankii soo jireenka ahaa ee xisbiga halkaa ku soo gaadhay.
Ugu dambayn, waxaan mahadnaq iyo bogaadin u dirayaa bah-weynta Xisbiga KULMIYE ee saaka ku sugneyd xarunta guud, rag iyo dumarba, sida sharafta leh iigu soo dhaweeyay.”
Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynihii hore JSL.




