Trump oo sheegay inay tahay inay Sacuudigu aqoonsadaan Israa’iil si loo gaaro heshiiska nukliyeerka
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in heshiiska taariikhiga ah ee tamarta nukliyeerka ee u dhexeeya Maraykanka iyo Sacuudiga uu dhaqan geli doono oo keliya haddii Sacuudigu ku biiro Heshiisyada Abraham, taas oo macnaheedu yahay inuu si rasmi ah u aqoonsado dowladda Israa’iil.
Qoraal uu ku daabacay bartiisa Truth Social, Trump ayaa yiri:”Heshiiska Nukliyeerka Rayidka ah ma jiri doonto kobcin walxo nukliyeer ah, kaas oo ku kooban isticmaalka aan militari ahayn, waa la ansixin doonaa, balse wuxuu si buuxda ugu xiran yahay in Sacuudigu ku biiro Heshiisyada Abraham.”
Hadalka Trump ayaa yimid kadib markii khubaro ay ka digeen in heshiiskan uu kordhin karo halista faafitaanka hubka nukliyeerka ee gobolka Bariga Dhexe oo horeyba u ahaa mid aan xasilloonayn.
Arrinta nukliyeerka ayaa sidoo kale ahayd qodobka ugu weyn ee khilaafka muddada dheer u dhexeeyay Maraykanka, Israa’iil iyo Iran.
Sannadkii 2020, Trump ayaa dhexdhexaadiyay Heshiiska Abraham, kuwaas oo horseeday in Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn ay caadiyeeyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed ee Israa’iil.
Kadibna Suudaan iyo Morooko ayaa iyaguna caadiyeeyay xiriirka ay la leeyihiin Israa’iil.




