Trump oo ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay in la hadlo ururka Xisbullaah

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu wadahadal la yeesho ururka Xisbullaah haddii Madaxweynaha Lubnaan Joseph Aoun uu codsado arrintaas.

Trump ayaa hadalkan sheegay intii lagu jiray kulankiisii ugu horreeyay ee uu Aqalka Cad kula yeeshay Madaxweyne Aoun.

Trump wuxuu sheegay in Lubnaan si aad ah loola dhaqmay si aan caddaalad ahayn, wuxuuna ballanqaaday in dalkaasi uu heli doono “ixtiraamka uu mudan yahay,” isagoo xusay in weli ay jirto “arrinta Xisbullaah.”

Markii la weydiiyay inuu diyaar u yahay inuu la xiriiro Xisbullah, Trump wuxuu yiri:

“Haddii Madaxweynaha Lubnaan uu iga codsado inaan la hadlo Xisbullaah, waan samayn doonaa.”

Si kastaba ha ahaatee, Trump ma uusan faahfaahin nooca wadahadalka uu ula jeeday, mana uusan sheegin inay jiraan qorshayaal mustaqbalka lagu qabanayo wadahadallo noocaas ah.

Intii lagu jiray kulanka, Madaxweyne Joseph Aoun ayaa Maraykanka ku boorriyay inuu sii wado taageerada uu siiyo ciidamada Lubnaan si loo dhammaystiro bixitaanka ciidamada Israa’iil ee koonfurta dalka loona xoojiyo amniga.

Aoun ayaa sidoo kale ka digay in hakinta gargaarka Maraykanka ay dib u soo celin karto xaaladdii qalalaasaha ahayd ee laga soo maray koonfurta Lubnaan sannadihii 1970-meeyadii.

Kulankan ayaa dhacay xilli ciidamada Lubnaan ay bilaabeen inay la wareegaan ammaanka qaar ka mid ah deegaannadii ay ciidamada Israa’iil ka baxeen, kaddib heshiis uu dhexdhexaadiyay Maraykanku oo dhexmaray Lubnaan iyo Israa’iil.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker