Mareykanka iyo Sacuudiga oo ku dhawaaqaya heshiis walaac abuuray
Warbaahinta Maraykanka ayaa werisay in maamulka Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu heshiis la gaaray Sacuudi Carabiya oo ku saabsan iskaashiga tamarta nukliyeerka, iyadoo la filayo in faahfaahinta heshiiska lagu dhawaaqo dhawaan.
Heshiiskan ayaa suuragal ka dhigi kara in Sacuudi Carabiya ay horumariso awoodda ay u leedahay kobcinta ama farsamaynta yuraaniyamka si loogu isticmaalo xarumaha laga dhaliyo tamarta nukliyeerka.
Heshiiskan la xiriira tamarta nukliyeerka ayaa muddo sanado ah ahaa arrin dood iyo muran ka taagnaa.
Qaar ka mid ah xildhibaannada Maraykanka ayaa muujiyay walaac ay ka qabaan in Sacuudi Carabiya ay ka faa’iidaysan karto fursaddan si ay u horumariso hubka wax gumaada ee halista badan.
Haddii heshiiskan la dhaqan geliyo, waxaa la filayaa inuu dib u xoojiyo xiriirka u dhexeeya Maraykanka iyo Sacuudi Carabiya, kaas oo la rumeysan yahay inuu door ku yeeshay arrimaha la xiriira dagaalka Iran. Sidoo kale, heshiisku wuxuu u abuuri karaa shirkadaha Maraykanka fursado ganacsi oo dheeraad ah.




