Oodweyne oo Maayir Cusub Yeelatay..
Golaha Deegaanka Degmada Oodweyne ee Gobolka Daad-madheedh ayaa maanta xilkii ka qaaday maayarkii hore ee magaaladaasi, iyagoo Maayir u doortay Faysal Biixi Cabdi, waxaana u codeeyay 8 mudane.
Dhowaan ayay ahayd markii golaha deegaanka Oodweyne ay kalfadhi ku doorteen maayir cusub balse Gudoomiyaha Gobolka Daad-madheedh Cabdiraxmaan Herer ayaa sharci daro ku tilmaamay doorashadaasi.




