Masar oo Soomaaliya ka dalbatay in la dardargeliyo sii deynta badmaaxiinta Masaarida ee lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya

Xukuumada Qaahira ayaa dib u xoojisay dadaalladeeda diblomaasiyadeed ee ku aaddan sii deynta badmaaxiinta Masaarida ee lagu afduubtay meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdel Aaty, uu dowladda Federaalka Soomaaliya ka codsaday inay sii laba jibaarto dadaallada lagu xaqiijinayo sii deyntooda.

Codsigan ayaa qeyb ka ah dadaallo diblomaasiyadeed oo Masar ay muddooyinkii u dambeeyay waday, xilli ay weli mugdi ku jiro halka ay ku sugan yihiin badmaaxiinta la afduubtay, isla markaana ay sii kordhayaan baaqyada caalamiga ah ee lagu dalbanayo in la sii daayo.

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriinta Masar waxay adkeyneysaa muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah loo xaqiijiyo badqabka iyo dib ugu laabashada badmaaxiinta qoyskooda, iyadoo Qaahira ay sheegtay inay sii wadi doonto la shaqeynta Soomaaliya, dalalka gobolka iyo hay’adaha ku lugta leh gurmadka iyo dhexdhexaadinta.

Masar ayaa sidoo kale tilmaantay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaalladeeda lagu ilaalinayo muwaadiniinteeda ka howlgala marin-biyoodka caalamiga ah, gaar ahaan goobaha ay weli ka jiraan khataraha burcad-badeedda iyo caqabadaha amniga badda.

Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa fashilmay wada hadalo la doonayay in burcad badeeda laga heshiiyo lacagaha madax furashada ah ay horey u dalbadeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker