Puntland oo sheegtay in la soo afjaray khilaafkii ganacsatada ee ka dhashay qidmadda lagu kordhiyay dekedda Bosaso

Puntland ayaa sheegtay in la soo afjaray khilaafkii u dhexeeyay Puntland iyo ganacsatada, kuwaas oo ka dhashay khilaaf la xiriiray khidmad cusub oo lagu kordhiyay Dekedda Boosaaso.

Duqa magaalada Boosaaso, Cabdiraxmaan Cabdulaahi Cali ayaa sheegay in ay dib u billowdeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsiga, isla markaana xarumaha ganacsigu ay yihiin kuwo furan, isagoo xusay in aysan jirin goob xiran.

Duqa ayaa ugu baaqay shacabka Boosaaso iyo guud ahaan Puntland inay ilaashadaan nabadda iyo xasilloonida, isla markaana ay garab istaagaan hay’adaha dowladda. Sidoo kale wuxuu ku boorriyay bulshada inay ka fogaadaan wax kasta oo horseedi kara kala qeybsanaan ama qalalaase.

Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali ayaa sidoo kale farriin u diray ganacsatada, isagoo sheegay in inta badan ganacsatada Puntland ay yihiin kuwo ka shaqeeya danta bulshada isla markaana door muhiim ah ku leh dhaqaalaha deegaanka.

Wuxuu xusay in xaaladaha ka taagan Bariga Dhexe iyo isbeddellada ka jira dhaqaalaha caalamka ay saameyn ku yeelan karaan ganacsiga, balse loo baahan yahay in ganacsatada iyo bulshada ay iska kaashadaan ilaalinta xasilloonida.

Wuxuu sheegay in ay jiraan tiro yar oo dad ah oo, sida uu sheegay, isku dayaya inay ka faa’iideystaan magaca ganacsatada si ay u abuuraan jahawareer, isagoo ugu baaqay ganacsatada inay ka fogaadaan falalka noocaas ah ayna sii wadaan doorkooda ku aaddan horumarka magaalada iyo Puntland.

Dhanka kale, ganacsatada ayaa kordhiyay qiimaha maciishada, iyagoo ku sababeeyay in Puntland aysan ka laaban canshuurtii dheeraadka ahayd ee lagu soo rogay adeegyada Dekedda Boosaaso.

Kororka qiimaha ayaa culays cusub ku soo kordhiyay shacabka Puntland, kuwaas oo horey ula tacaalayay duruufo dhaqaale oo adag, oo ay ka mid yihiin sicir-bararka, hoos u dhaca awoodda wax iibsiga iyo dhibaatooyin dhaqaale oo saameeyay nolosha qoysas badan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker