Mareykanka oo bogaadiyay iskaashiga Soomaaliya kadib wareejinta eedeysane lagu tuhunsan yahay musuqmaasuq dhan $250 milyan

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa ammaantay iskaashiga dhinaca fulinta sharciga ee kala dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii loo wareejiyay Mareykanka muwaadin Soomaali-Mareykan ah oo wajahaya eedeymo la xiriira musuqmaasuq ballaaran oo dhacay xilligii cudurka COVID-19.

Qoraal ay safaaraddu ku baahisay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in wada-shaqeyntii u dambeysay ee u dhexeysay hay’adaha amniga iyo caddaaladda ee labada dal ay muujisay sida iskaashiga dhow uu u xoojin karo amniga, uga hortagi karo in dambiilayaashu helaan meel ay ku dhuuntaan, isla markaana u ilaalin karo badqabka shacabka Soomaaliya iyo Mareykanka.

Ninka la wareejiyay oo lagu magacaabo Cabdikariim Cabdullaahi iidle, 42 jir ah, kana soo jeeda magaalada Burnsville ee gobolka Minnesota, ayaa 16-kii Luulyo loo gudbiyay Mareykanka.

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha Mareykanka, Cabdikariim ayaa sanadkii 2022 lagu soo oogay 31 dacwadood oo federaal ah, kuwaas oo la xiriira inuu door ku lahaa qorshe musuqmaasuq oo lagu lunsaday ku dhowaad 250 milyan oo doolar, lacago loogu talagalay barnaamijyada nafaqeynta carruurta xilligii safmarka COVID-19.

Eedeymaha loo haysto waxaa ka mid ah khiyaano dhinaca isgaarsiinta maaliyadeed (wire fraud), lacag dhaqid, laaluush iyo dambiyo kale oo maaliyadeed.

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in kiiskani uu muujinayo muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhow ee Soomaaliya iyo Mareykanka si loo hubiyo in dadka lagu eedeeyo dambiyada culus aysan caddaaladda uga baxsan karin iyagoo magangelyo ka raadsanaya dalal kale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker