Khubaro: Soo laabashada burcad-badeedda Soomaaliya waxay kordhisay kharashaadka maraakiibta iyo halista badmaaxiinta

Khubaro iyo daneeyayaasha gaadiidka badda ayaa ka digay in dib u soo laabashada weerarrada burcad-badeedda ee ka dhaca xeebaha Soomaaliya ay sare u qaaday kharashaadka maraakiibta, caymiska iyo halista ay wajahaan badmaaxiinta maraya marin-biyoodka Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.

Warbixin ay soo saartay Ururka Caalamiga ah ee Badaha (IMO) ayaa muujisay in saddexdii bilood ee la soo dhaafay la diiwaangeliyay 24 weerar ama isku day burcad-badeednimo iyo dhac hubeysan, taasoo ah kororkii ugu weynaa ee amni-darrada badda muddo sanado ah.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in guud ahaan caalamka ay dhacdooyinka burcad-badeednimadu kor u kaceen 17% intii u dhexeysay 2024 iyo 2025, iyadoo tiradu ka korortay 146 dhacdo una gaartay 171 dhacdo, taasoo dib u dhigaysa horumarkii laga gaaray la-dagaallanka burcad-badeedda sanadihii la soo dhaafay.

Falanqeeyaha arrimaha badaha Andrew Mwangura ayaa sheegay in haddii weerarrada burcad-badeeddu sii socdaan, shirkadaha maraakiibtu ay ku qasbanaan karaan inay beddelaan marinnada ay isticmaalaan, kordhiyaan ilaalinta gaarka ah iyo bixinta caymis qaali ah, arrimahaas oo ugu dambeyn sare u qaadi doona qiimaha gaadiidka badeecadaha iyo waxyaabaha la soo dejiyo.

Mid ka mid ah dhacdooyinka ugu waaweyn ayaa ah afduubka markabka shidaalka qaada ee MT Honour 25, oo sita calanka Palau.

Markabka oo shidaal u siday magaalada Muqdisho ayaa la afduubay 21-kii Abriil meel qiyaastii 30 mayl-badeed u jirta xeebaha Bandar Beyla ee Puntland, wuxuuna weli ku jiraa gacanta kooxaha burcad-badeedda.

Shaqaalaha markabka oo ka kooban 17 badmaax oo u kala dhashay Pakistan, Indonesia, Hindiya, Sri Lanka iyo Myanmar ayaa marar badan soo diray farriimo gargaar, iyagoo sheegay inay la tacaalayaan xaalado nololeed oo adag, cunto yari iyo daryeel caafimaad la’aan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker