Ciidanka Israa’iil: Waxaan aragnay gantaallo ay Iiraan ku ridday dekedda Aqaba ee dalka Urdun.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay inay arkeen gantaallo laga soo riday Iran oo ku socda dhanka dekedda Aqaba ee dalka Urdun.

Horay, afhayeen u hadlay dowladda Urdun ayaa beeniyay warka ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee sheegayay in dadka laga daad-gureynayay garoonka diyaaradaha iyo dekedda Aqaba sababo la xiriira khatar soo wajahday.

Ciidamada Israa’iil ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay inay “dhawaan ogaadeen gantaallo laga soo riday Iran oo ku socda magaalada Aqaba ee dalka Urdun, taas oo ku taal meel u dhow xuduudda Israa’iil.”

Ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale uga digay arrintan iyagoo leh: “Waxaa jirta suurtagalnimo ah in rasaastaas awgeed, (colaaddu) ay ku faafto dhulka Israa’iil.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker