Shil gaadhi oo arday badan ku geeriyooden oo dalka Uganda ka dhacay

Ugu yaraan 19 arday ayaa dhintay kadib markii bas uu leeyhaay Iskuulka King David Junior School oo ku yaalla Ndejje, uu shil ku galay Khamiistii shalay degmada Kapchorwa ee bariga Uganda, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.

Baska ayaa ardayda kasoo celinayay safar waxbarasho habeenkii Khamiista, waxaana la sheegay inuu la kulmay cilad farsamo qiyaastii saacaddu markay ahayd 2:00 habeenimo.

Sida lagu sheegay warbixinta hordhaca ah ee booliiska, darawalka ayaa lumiyay xakamaynta baska ka hor inta uusan shilku dhicin, taasoo sababtay masiibadan dhimashada badan dhalisay.

“Baaritaannada hordhaca ah waxay muujinayaan in basku uu jihadii ka leexday sababo la xiriira cilad farsamo. Waxaan sidoo kale xog aan ka helnay dad goobjoogayaalka ah ay muujinaysaa in gaarigu uu dhowr jeer istaagay ka hor inta uusan shilku dhicin,” sida lagu sheegay lagu yiri warbixin ay booliisku ku baahiyeen baraha bulshada.

Hawlaha gurmadka ayaa weli socda, iyadoo dadka dhaawacmay loo qaaday xarumaha caafimaadka ee u dhow. Mas’uuliyiintu weli si rasmi ah uma xaqiijin tirada guud ee dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay, maadaama baaritaannadu ay socdaan si loo ogaado sababta saxda ah ee shilka.

Shilkan ayaa caro iyo murugo ka dhaliyay guud ahaan Uganda, iyadoo qoysaska ardayda iyo maamulka dugsiguba ay sugayaan war rasmi ah oo ku saabsan xaaladda dadkii saarnaa baska.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker