Eedeysane lagu tuhunsan yahay musuqii Feeding Our Future oo Soomaaliya laga soo qabtay laguna celiyay Mareykanka
Mareykanka ayaa ku guuleystay inuu Soomaaliya kala soo wareego Cabdikariim Cabdullaahi Ciidleh (Abdikerm Eidleh), oo ka mid ahaa eedeysanayaasha kiiska musuqmaasuqa ee Feeding Our Future, sida ay sheegtay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Federaalka ee gobolka Minnesota.
Ciidleh, oo 42 jir ah, ayaa Khamiistii waxaa diyaarad ku geeyay gobolka Minnesota wakiillo ka tirsan Hay’adda Baarista Federaalka ee FBI-da, waxaana hadda lagu xiray xabsiga degmada Sherburne.
Hay’adaha ammaanka Soomaaliya ayaa Ciidleh ku qabtay magaalada Muqdisho 26-kii Juun, ka hor inta aan loo wareejin Mareykanka.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Mareykanka ayaa uga mahadceliyay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo Booliska Soomaaliyeed doorkii ay ka qaateen soo qabashadiisa iyo wareejintiisa.
Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in Ciidleh lagu tuhunsan yahay inuu ahaa qofkii labaad ee ugu weynaa shabakaddii musuqmaasuqa ee Feeding Our Future. Markhaatiyaal hore loogu helay dambiyada kiiskan ayaa maxkamadda ka sheegay in Ciidleh uu si toos ah ugu qortay dad badan qorshahaas, isla markaana uu ururin jiray lacago laaluush ah oo lagu siin jiray hay’adda Feeding Our Future si loogu diiwaangeliyo barnaamijka cunnada carruurta ee dowladda federaalka.
Baaritaannada ayaa lagu ogaaday in hay’ado badan ay dowladda u sheegeen inay quudiyeen carruur aad uga badan tiradii dhabta ahayd, halka kuwo kalena ay gebi ahaanba been ka sheegeen inay cunto siiyeen carruur, si ay u helaan lacagihii dowladda federaalka. Guud ahaan, qorshahaas ayaa lagu lunsaday in ka badan $250 milyan.
Dacwad-oogayaasha ayaa sidoo kale ku eedeeyay Ciidleh, oo si dhow ula shaqeyn jiray Agaasimihii Fulinta ee Feeding Our Future, Aimee Bock, inuu sameystay shirkado magac-u-yaal ah (shell companies), isla markaana uu ku wareejiyay ku dhowaad $5 milyan oo lacag federaal ah.
Ciidleh ayaa la sheegay inuu Soomaaliya joogay muddo sannad ah markii lagu soo oogay 31 dacwadood oo la xiriira musuqmaasuq dabayaaqadii 2022. Intii ka dambeysay wuxuu ku sugnaa dibadda, isagoo ka baxsan gacanta caddaaladda muddo ku dhow afar sano.
Soo celintiisa ayaa dhacday inkastoo Mareykanka iyo Soomaaliya aysan lahayn heshiis rasmi ah oo isu-gudbin dambiilayaal ah. Si kastaba ha ahaatee, labada dowladood ayaa iskaashi amni oo dhow lahaa muddo dheer.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Federaalka ayaa sidoo kale u mahadceliyay Waaxda Caddaaladda Mareykanka, gaar ahaan Xafiiska Arrimaha Caalamiga ah, oo ka qeyb qaatay dadaalladii lagu xaqiijiyay in Ciidleh dib loogu soo celiyo Mareykanka.




