Dad Rayid ah Oo Ku Dhintay Duqaymo Habeenkii Lixaad oo Xidhiidh ah Maraykanku Ka Wado Iran

Ciidamada Maraykanka ayaa habeenkii lixaad oo xidhiidh ah duqeymo culus ka fuliyay gudaha Iran, kuwaas oo lagu dilay ugu yaraan siddeed qof, halka 20 kalena ay ku dhaawacmeen. Weerarradan ayaa qayb ka ah guluf militari oo sii xoogaysanaya, iyadoo xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ay gaadhay heerkii ugu sarreeyay.

Mas’uuliyiinta magaalada Bandar Cabbaas ee koonfurta Iran ayaa sheegay in duqeymihii ugu dambeeyay ay waxyeello gaadhsiiyeen kaabayaal rayid, oo ay ku jiraan xarumo koronto iyo saldhig tareen. Dowladda Iran ayaa weerarradan ku tilmaantay kuwo si toos ah u beegsaday adeegyada muhiimka u ah shacabka.

Dhanka kale, ciidamada Iran ayaa sheegay inay weerareen diyaarado Maraykan ah oo ku sugnaa saldhig ciidan oo ku yaalla Baxrayn. Sidoo kale, dowladda Kuweyt ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay ka hortagayaan weerarro isugu jira gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo kaga yimid dhinaca Iran.

Dowladda Qadar ayaa iyaduna xaqiijisay in hal ilmo uu ku dhaawacmay burbur ka dhashay gantaal la soo riday, kadib markii ciidamada difaaca cirka ee dalkaasi ay fashiliyeen weerarro lagu soo qaaday. Maamulka Qadar ayaa sheegay in xaaladda amniga si dhow loola socdo.

Afhayeen u hadlay ciidamada Iran ayaa sheegay in Marinka Hormuz aanu mar dambe ku noqon doonin sidii uu ahaa ka hor dagaalka, isagoo tilmaamay in isbeddel weyn uu ka dhacay amniga marin-biyoodkaas istaraatiijiga ah. Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Iran ay sii kordhinayso digniinaha la xidhiidha dhaq-dhaqaaqa maraakiibta gobolka.

Dhankiisa, Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in ciidamadiisu ay fuuleen markab marayay Gacanka Cumaan si ay u dhaqan geliyaan xannibaadda ay saareen Iran. Horumarradan ugu dambeeyay ayaa muujinaya in colaadda u dhexeysa Maraykanka iyo Iran ay sii ballaadhanayso, iyadoo saameynteedu ay hadda gaadhay dalal dhowr ah oo ku yaalla gobolka Gacanka Carabta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker