Ra’iisul Abiy oo shaaciyay sababta ay u waayeen marin ay u maraan Badda Cas
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa mar kale sheegay in Itoobiya ay “weyday” helidda marinka Badda Cas ee Eritrea sababo la xiriira go’aanno ay qaateen “xukuumadaha aan shacabka soo dooran.”
“Qaabkii aan ku weynay marin u helidda Badda Cas wuxuu ka mid ahaa dhacdooyinkii ugu xumaa ee taariikhda,” ayuu Abiy ku sheegay khudbad uu ka jeediyay munaasabadda furitaanka shirka wada-hadalka qaran ee ka dhacay Addis Ababa shalay.
Khudbadda ayaa si toos ah uga baxaysay telefishinka dowladda, ETV.
“Waxa ugu weyn ee sababay in xukuumaddii aan la dooran ay si qorsheysan uga dhigto Itoobiya dal juqraafi ahaan ku go’doonsan, iyadoo lumisay marinka Badda Cas oo ay qarniyo badan lahayd, maamuli jirtayna, isla markaana uga faa’iidaysan jirtay nafteeda iyo gobolka, waxay ahayd daciifnimadeenna gudaha; mana ahayn in ay jireen awoodo ku dhiirran kara inay waxyeelleeyaan danaha Itoobiya,” ayuu yiri.
Hadallada Abiy ayaa imanaya iyadoo xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo deriskeeda Eritrea ay sii kordhayso, taas oo la xiriirta dadaalka Addis Ababa ay ugu jirto inay hesho marin-badeed madax-bannaan oo ku yaalla Badda Cas.
Itoobiya waxay noqotay dal aan lahayn xeeb kaddib markii Eritrea ay xornimadeeda qaadatay sannadkii 1991.




