Somaliland oo Mamnuucday Waraysiyada Laga Qaado Carruurta iyo Dadka Qaba Xanuunnada Maanka
Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday go’aanno cusub oo lagu nidaaminayo mihnadda saxaafadda, kuwaas oo ay ka mid yihiin mamnuucidda waraysiyada laga qaado carruurta aan qaangaadhka ahayn iyo dadka qaba xanuunnada maanka. Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ayaa sheegtay in tallaabadan looga gol leeyahay ilaalinta xuquuqda iyo karaamada kooxaha nugul ee bulshada.
Wasaaraddu waxay sidoo kale shaacisay inay bilaabayso diiwaangelinta dhammaan hay’adaha warbaahinta iyo saxafiyiinta ka hawlgala Somaliland. Sida ay sheegtay, diiwaangelintan ayaa lagu xaqiijinayaa in hawlaha warbaahinta ay qabtaan saxafiyiin iyo hay’ado si rasmi ah loo aqoonsan yahay, isla markaana leh masuuliyad xirfadeed.
Go’aannadan ayaa daba socda awaamiir ay wasaaraddu hore u soo saartay, kuwaas oo dhigaya in qof aan sidan aqoonsi saxaafadeed oo rasmi ahi aanu waraysiyo ku qaadi karin suuqyada iyo goobaha kale ee dadweynaha. Wasaaraddu waxay sheegtay in hawlaha waraysiyada ay ku koobnaan doonaan saxafiyiinta leh aqoonsiga rasmiga ah.
Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in tallaabooyinkan looga dan leeyahay kor u qaadista anshaxa iyo hab-dhaqanka wanaagsan ee mihnadda saxaafadda, iyadoo sidoo kale la doonayo in la ilaaliyo sumcadda warbaahinta iyo kalsoonida ay bulshadu ku qabto.
Masuuliyiintu waxay sheegeen in muddooyinkii u dambeeyay ay soo bateen dad aan lahayn aqoonsi saxaafadeed oo suuqyada iyo goobaha dadweynaha ku samaynayay waraysiyo ay ku jiraan su’aalo bulshada qaarkeed u aragtay kuwo ka hor imanaya dhaqanka iyo qiyamka bulshada. Sida ay xukuumaddu sheegtay, nidaamkan cusub ayaa gacan ka geysan doona xakamaynta arrimahaas iyo tayeynta shaqada warbaahinta.




