Nuxrka Qodobada Lagaga Wadahadlay Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland
Fadhigii 68-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), isla markaana uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa waxa lagaga wada hadlay qodobbada soo socda:
𝟏. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:
Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka JSL, Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo) ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey xaaladda guud ee amniga dalka, isaga oo sheegay in amniga Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay mid sugan, isla markaana aanay jirin wax qalalaase ama xasillooni darro ah oo ka jirta gobollada dalka. Waxa uu xusay in hay’adaha amnigu sii wadaan dedaallada lagu ilaalinayo nabadda iyo xasilloonida Qaranka.
𝟐. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay habsami-u-socodka hawlaha diyaarinta Miisaaniyadda Qaranka ee 2027-ka iyo kulanka Guddida Diyaarinta Miisaaniyadda Qaranka. Guddidu waxa ay si wadajir ah u dajiyeen qodobbada soo socda:
1. Xaddiga Miisaaniyadda Qaranka
2. Kharashyada hawl-socodsiinta iyo Mashaariicda horumarineed
3. Meelaha la siinayo mudnaanta Miisaaniyadda Sannadka 2027-ka
4. Meelaha Dakhliga laga kordhinayo Sannadka 2027-ka
Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyaddu waxa uu Golaha u sheegay in Wasaaraddu ay dedaal dheer gelisay sidii loo dardargelin lahaa sal-ballaadhinta Cashuuraha Berriga (Inland Revenue), gaar ahaan Cashuurta Iibka Adeegga iyo Badeecadaha (GST).
𝟑. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐱𝐚𝐚𝐟𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐤𝐚 𝐡𝐚𝐰𝐥-𝐠𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐜𝐲𝐢𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL, Mudane Barkhad Jaamac Xirsi Batuun ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay in Wasaaraddu diyaarisay Qorshe Qaran oo lagu diiwaangelinayo laguna tayaynayo warbaahinta madaxa bannaan ee ka hawl-gala dalka Somaliland. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in qorshahani uu salka ku hayo kor u qaadista aqoonta, xirfadda iyo anshaxa mihnadeed ee suxufiyiinta iyo hay’adaha warbaahineed, si loo helo warbaahin casri ah, masuuliyad leh, isla markaana door muuqda ka qaadata horumarinta dimuqraadiyadda, wacyigelinta bulshada iyo difaaca Qaranimada, Qaddiyadda iyo danaha uu leeyahay Qaranka JSL.
Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay in Wasaaraddu ku jirto diyaarinta Siyaasadda Wacyigelinta Qaranka, taas oo saldhig u noqon doonta mideynta fariimaha Qaranka, kobcinta wacyiga bulshada, xoojinta qiyamka wadajirka, iyo kor u qaadista fahamka shacabka ee arrimaha mudnaanta u leh Qaranka.
Wasiirku waxa uu xusay in siyaasaddani door muhiim ah ka qaadan doonto dhismaha bulsho xog-ogaal ah oo ka feejigan wararka marin-habaabinta ah, isla markaana garab istaagta himilooyinka horumarineed iyo danaha Qaranka, gaar ahaan xilligan xasaasiga ah ee dalku marayo.
𝟒. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, Mudane Dr Xuseen Bashiir Xirsi ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey xaaladda guud ee caafimaadka dalka, isaga oo sheegay in dadaalladii ay Wasaaraddu qaaday ay horseedeen hoos u dhac muuqda oo ku yimi xannuunnadii xummadda ee ka jiray qaybo ka mid ah dalka. Wasiirku waxa uu xusay in Wasaaraddu sii xoojinayso tallaabooyinka ka hortagga, kormeerka iyo wacyigelinta bulshada si loo xakameeyo faafitaanka cudurrada loona ilaaliyo caafimaadka bulshada.
Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay in Wasaaraddu ay waddo hawlgal lagu adkaynayo nidaaminta adeegyada caafimaadka gaarka loo leeyahay, isaga oo ku wargeliyey dhammaan Xarumaha Caafimaadka iyo Farmasiyada gaarka loo leeyahay in ay si buuxda ugu hoggaansamaan Shuruucda iyo Xeerarka Wasaaradda, isla markaana ay qaataan Ruqsadaha iyo Oggolaanshaha Sharci ee looga baahan yahay bixinta adeegyada caafimaadka. Wasiirku waxa uu carrabka ku adkeeyey in tallaabooyinkani qayb ka yihiin xaqiijinta tayada adeegyada caafimaadka, bedbaadada bulshada iyo ilaalinta heerarka mihnadda caafimaadka ee dalka.
𝟓. 𝐀𝐛𝐮𝐮𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐡𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋:
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka JSL, Marwo Kaltuun Sh Xasan Cabdi ayaa Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay Hindise Qaran oo lagu dardargelinayo diyaarinta Mashaariic Qaran oo waaweyn, iyada oo soo jeedisay in la sameeyo Qiimayn Qaran oo la xidhiidha Khayraadka Dalka, lana dhiso Kaydka Qaranka ee Mashaariicda Horumarineed (National Project Pipeline).
Wasiirku waxa ay xustay in Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay hore u qaaday tallaabooyin muhiim ah oo saldhig u noqon kara arrintan, kuwaas oo ay ka mid yihiin diyaarinta Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP III), dhismaha Delivery Unit, iyo ansixinta Xeerka Iskaashiga Dowladda iyo Ganacsiga Gaarka loo Leeyahay (PPP).
Wasiirku waxa ay Golaha u sheegtay in Hindisahani uu u gogol-xaadhayo soo jiidashada maalgashiga tooska ah ee shisheeye, ballaadhinta ilaha maalgelinta iyo hirgelinta mashaariic waaweyn oo wax weyn ka tari doona koboca dhaqaalaha iyo fulinta himilooyinka Qorshaha Horumarinta Qaranka NDP III.
𝟔. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐲𝐫𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐁𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚:
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha JSL, Mudane Maxamed Cabdimaalik Axmed, ayaa Golaha Wasiirrada warbixin faahfaahsan ka siiyey safar shaqo oo uu ku tegay Gobollada Salel, Awdal, Gabiley iyo Saaxil, kaas oo ujeeddadiisu ahayd qiimaynta xaaladda adeegyada biyaha, u kuur-galka baahiyaha bulshada iyo dardargelinta hirgelinta mashaariicda horumarinta biyaha.
Wasiirku waxa uu sheegay in intii uu safarka ku jiray uu dhagax-dhigay mashaariic biyood oo wax ka tari doona helitaanka biyo nadiif ah, isla markaana kor u qaadi doona adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.
Sidoo kale, Wasiirku waxa uu bulshada ku nool deegaannada uu booqday kula dardaarmay in ay ilaaliyaan nabadda, wada-noolaanshaha iyo midnimada Qaranka, isaga oo adkeeyey in amniga iyo iskaashiga bulshadu ay laf-dhabar u yihiin hirgelinta mashaariicda horumarineed iyo gaadhista horumar waara.
𝟕. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐠𝐚𝐚𝐝𝐡𝐬𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐞𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐚𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚:
Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda JSL, Mudane Dr. Cabdisalaan Xuseen Cawaale, ayaa Golaha Wasiirrada warbixin qoto dheer ka siiyey dedaallada ay Wasaaraddu ku xoojinayso Amniga Dijitalka ah ee Qaranka. Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu waddo qiimayn Qaran oo lagu ogaanayo nuglaanshaha ka jira nidaamyada Hay’adaha Dawladda, si loo xoojiyo difaaca iyo adkaysiga kaabeyaasha Tiknoolajiyadda dalka.
Sidoo kale, Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in mudnaanta la siinayo ilaalinta xogta Qaranka iyo nidaamyada Xukuumadda, yaraynta khataraha ka iman kara weerarrada dijitaalka ah ee qorshaysan (Organized Cyber Attacks), iyo hirgelinta tallaabooyin casri ah oo lagu adkaynayo amniga internetka iyo sugnaanta xogaha Qaranka, si loo xaqiijiyo hufnaanta, joogtaynta iyo kalsoonida adeegyada Dijitalka ah ee Hay’adaha Dawladda.
Ugu dambayn, Wasiirku waxa uu carrabka ku adkeeyey in sida dal kastaa ugu baahan yahay difaac Ciidan, Boolis iyo Hay’ado amni oo suga nabadgelyada dalka, ay maanta lama huraan u tahay in la helo difaac adag oo Amniga Dijitalka ah.
Waxa uu xusay in ilaalinta xogta Qaranka iyo kaabeyaasha Tiknoolajiyaddu ay haatan noqdeen Tiir muhiim u ah Amniga Qaranka, maadaama weerarrada Dijitalka ahi ay maanta ka mid yihiin khataraha ugu waaweyn ee dalalku wajahayaan.
𝟖. 𝐃𝐨𝐨𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐞𝐞𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐱𝐣𝐚𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐂𝐚𝐥𝐚𝐟𝐤𝐚 𝐗𝐨𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚:
Goluhu waxa uu ka dooday Xeerka Maxjarrada Dalka iyo Siyaasadda Qaran ee Calafka Xoolaha, dooddaasi oo sii socon doonta fadhiyada dambe.




