Kenya: Maxkamad ayaa diidday codsi bulshada Rastafarian ay ku doonayeen sharciyaynta xashiishada
Maxkamad ku taalla Kenya ayaa diidday codsi ay bulshada Rastafarian-ka ay ku dalbanayeen in xashiishadda (cannabis) loo sharciyeeyo si isticmaal diimeed ah.
Dadka codsiga gudbiyay ayaa ku dooday in xashiishaddu ay qayb muhiim ah ka tahay cibaadadooda, isla markaana mamnuuciddeedu ay ku xadgudbayso xuquuqdooda dastuuriga ah ee xorriyadda diinta.
Garsooraha ayaa sheegay in caddeymaha ay soo bandhigeen aysan ku filnayn isla markaana ay is khilaafsan yihiin.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu xusay in Kenya ay u baahan tahay dood qaran oo ku saabsan sharciyeynta xashiishadda, isagoo tilmaamay in maandooriyahan si ballaaran looga isticmaalo bulshada dhexdeeda.




