Xog laga helay maraakiibtii Imaaraadka ee Iiraan weerartay
BBC Verify ayaa dib u raacday dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee labadii markab ee la sheegay in lagu weeraray Marinka Hormuz kuwaas oo Imaaraadka Carabtu ku kala magacaabay markabka shidaalka ceyriinka ah ee Mombasa B iyo markabka gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah, LNG ee Al Bahiya, iyadoo la adeegsanayo sawirro dayax-gacmeed.
Markabka Mombasa B ma uusan si guud u gudbinayn goobtiisa in ka badan 10 maalmood ka hor weerarka. Sida xog laga helay bogga dabagalka maraakiibta ee MarineTraffic ay muujisay, markabku wuxuu ka baxay terminalka shidaalka ee Zirku ee Imaaraadka 2-da Luulyo, isagoo ku sii jeeday Khor Fakkan oo ku yaalla Imaaraadka.
Sawirro dayax-gacmeed oo ay baaritaan ku sameysay BBC Verify ayaa muujiyay in markabku uu 8-da Luulyo sameeyay hawl shidaal wareejin ah oo markab-ilaa-markab kale ah, isaga oo la sameeyay markab kale oo la yiraahdo He Rong Hai, meel ka baxsan xeebta Fujairah.
Sida ay sheegtay shirkadda xog-ururinta sirdoonka maraakiibta ee TankerTrackers, Mombasa B wuxuu siday 1.9 milyan oo foosto oo shidaal Imaaraad ah, kuwaas oo uu ku wareejinayay markabka He Rong Hai.
Markabka gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah ee Al Bahiya ayaa sidoo kale aan ka gudbinayn goobtiisa in ka badan 14 maalmood. Goobtii ugu dambeysay ee la ogaa, sida ay sheegtay MarineTraffic, waxay ahayd meel ka baxsan xeebaha galbeedka Hindiya.
Si kastaba ha ahaatee, falanqayn ay samaysay TankerTrackers oo ay taageerayaan sawirro dayax-gacmeed oo ay eegtay BBC Verify ayaa muujisay in markabku uu ku sugnaa meel u dhow Ras Laffan oo ku taal Gacanka 22-ka Juun. Taasi waxay muujinaysaa in xogta goobta markabka ee si guud loo heli karo laga yaabo in la beddelay ama la marin-habaabiyay.




