Soomaaliya oo calanka hoos u dhigtay saddex maalmood
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa amar ku bixiyay in calanka qaranka Soomaaliya hoos loo dhigo muddo saddex maalmood ah, si loogu baroordiiqo geerida Amiirkii hore ee dowladda Qatar, Sheekh Xamad Bin Khaliifa Aala Thaani, oo geeriyooday.
Qoraal lagu faafiyay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay ka tarjumayso sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ula qeybsanayaan dowladda iyo shacabka Qatar murugada geerida hoggaamiyihii hore, iyadoo la xusay kaalintii uu ka qaatay hoggaaminta Qatar iyo horumarka dalkaas intii uu xilka hayay.
Qatar ayaa hore ugu dhawaaqday afar maalmood oo baroordiiq qaran ah, waxaana dalkaas gaaraya madax iyo wufuud ka kala socota dalal badan oo u tegaya inay tacsi u diraan qoyska boqortooyada iyo dowladda Qatar.
Sidoo kale, dalal kala duwan iyo hoggaamiyeyaal caalami ah ayaa diray farriimo tacsi ah, iyagoo muujiyay sida ay uga xun yihiin geerida Amiirkii hore, isla markaana ku ammaanay kaalintii uu ku lahaa horumarka Qatar iyo doorkeeda diblomaasiyadeed ee heer gobol iyo heer caalami.
Madax badan oo uu kamid yahay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safka hore ka galay dowladihii tacsida ka diray markii la shaaciyay geerida amiirka maadama Qatar ay kamid tahay wamada safka hore kaga jira taageerida hay’addaha federaalka Soomaaliya iyadoo mashaariic dhowr oo dhanka biniadamnimada ka fuliso gayiga Soomaaliya.




