Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska oo Ka Wada Hadlay Iskaashiga Amniga iyo La-dagaallanka Argagixisada
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa magaalada Hargeysa kulan kula yeeshay wefti sare oo ka socday Dowladda Boqortooyada Ingiriiska, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen masuuliyiin ka socday xafiiska UK ee Somaliland, Safaarada Ingiriiska ee Soomaaliya iyo wakiil ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga ee UK.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga ee u dhexeeya Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska, iyadoo Wasiir Cabdalle uu sharaxay qorshayaasha wasaaraddiisu ku doonayso casriyeynta iyo dib-u-habaynta hayโadaha amniga. Waxa uu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in labada dhinac iska kaashadaan la-dagaallanka argagixisada, ka hortagga khataraha amni ee gobolka iyo horumarinta awoodda hayโadaha amniga, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Guddaha.
Sidoo kale, Wasiirku waxa uu weftiga u soo bandhigay qorshaha Somaliland National Operations Command Centre (SL-NOCC), oo ah xarun loogu talagalay isku-dubbaridka hayโadaha amniga, wadaagga xogta, maaraynta xaaladaha degdegga ah iyo kor u qaadista awoodda ka jawaabista khataraha amni.
Masuuliyiinta Dowladda Ingiriiska ayaa soo dhaweeyey qorshaha dib-u-habaynta iyo isbeddelka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyagoo muujiyey taageeradooda dadaallada lagu horumarinayo nidaamka amniga iyo tayeynta hayโadaha amniga ee Somaliland.
Gabagabadii kulanka, labada dhinac waxay adkeeyeen muhiimadda sii xoojinta iskaashiga amni iyo iskaashiga istaraatiijiga ah, iyagoo sheegay inay ka goโan tahay horumarinta wada-shaqaynta dhinacyada amniga, xasilloonida iyo danaha ay wadaagaan Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska.




