Ninka loo badinayo inu noqdo raysal wasaaraha xiga ee UK oo raalli-gelin ka bixiyay mowqifkii hore ee Labour-ka ee Gaza
Ninka loo badinayo inuu noqdo ra’iisul wasaaraha xiga ee Ingiriiska, Andy Burnham, ayaa raalli-gelin ka bixiyay jawaabtii hore ee Xisbiga Shaqaalaha (Labour) ee talada haya ka bixiyay tallaabooyinka Israa’iil ka waddo Gaza.
Farriin muuqaal ah oo uu ku baahiyay baraha bulshada, ayuu Burnham ku sheegay in xisbigiisu uu qalad sameeyay.
Toddobaadyadii ugu horreeyay ee colaadda, Ra’iisul Wasaarihii Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa wajahay dhaleeceyn, kaddib markii hadalladiisa loo fasirtay inuu sheegay in Israa’iil ay “xaq u leedahay” inay jarto biyaha iyo korontada Gaza.
Starmer ayaa markii dambe caddeeyay inuu ula jeeday oo keliya, in Israa’iil ay xaq u leedahay inay is-difaacdo.
Andy Burnham ayaa sheegay, in haddii uu hogaanka u qabto dowladda, siyaasadda Boqortooyada Midowday ee ku wajahan arrintan ay noqon doonto mid aad uga adag tan hadda jirta.
Wuxuu ku baaqay in cadaadis dheeraad ah la saaro Israa’iil, oo ay ku jiraan in cunaqabateyn lagu soo rogo wasiirrada garabka midigta fog, isla markaana la mamnuuco ganacsiga lala yeesho deegaannada Israa’iil ka dhistay Daanta Galbeed ee la heysto.




