Soomaaliya iyo Kenya oo la sheegay inay taageeraan koox fallaago ah

Maamulayaasha dalka Koongada Dimuqaraadiga ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay ciidamo u direen falaagada M23 ee ka dagaallanta gobolka Sud Kivu ee bariga dalkaas si ay uga dhinac dagaallamaan fallaagada M23 ee, sida ay ku soo warrameyso qaybta warqabadka BBC-da ee (BBC monitoring).

Maamulaha dhulka la yiraahdo Fizi ee Sud Kivuu ayaa 5tii Bishan sheegay in askar Soomaali iyo Kenyan ah ay ka dhinac dagaallamayeen falagada M23 ee gobolka Hauts-Plateaux.

“Samy Kalonji Badibanga ayaa sheegay, in askartan ay taageerayeen ciidamada Rwanda, maleeshiyaadka Twirwaneho, kuwa Red Tabara ee Burundi, iyo M23 si ay ula dagaallamaan ciidamada dowladda.”, sida lagu yiri warbixinta.

“Waxay geysanayaan dhimasho, waxayna sababayeen barakac ballaaran oo dadweyne oo ka dhacaya gobolka,” ayuu yiri.

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, ayaa horay Kenya ugu eedeysay inay taageerto M23 iyo xulafadeeda, balse tani waa markii ugu horreysay ee eedeyntan loo jeediyo Soomaaliya.

Ha yeeshee ilaa hadda uma suurta galin BBC Somali inay si madax banaan u xaqiijiso eedeymahan.

Labada dal weli wax jawaab ah kama aysan bixin hadalladan, hase yeeshee Kenya ayaa horay u beenisay inay ku lug leedahay colaadda.

Arrintan waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ciidanka dowladda iyo xulafadooda ay dhawaan horumar ka sameeyeen dagaalka ka dhanka ah M23 ee gobollada waqooyi iyo koonfureed ee Kivu.

Lixdii bishii Luulyo, ciidanka dowladda iyo maleeshiyaadka Wazalendo ee xulafada la ah, ayaa sheegay inay dib ula wareegeen saddex deegaan oo kale oo ku dhow magaalada Minembwe ee Kivu-ga Koonfureed.

M23 waa koox hubeysan oo ka go’ay ciidamada Congo ku dhowaad 20 sano, kuwaasoo sheegta inay difaacayaan bulshada Tutsi oo muddo ka cabanaysay dilal iyo takoor.

Khubarrada QM ayaa sheegay, in kooxda ay taageero ka heysato dalka deriska la ah Congo ee Rwanda, taas oo dowladda Rwanda ay in badan beenisay.

Rwanda ayaa hore u sheegtay in dowladda DR Congo ay la shaqeyneysay qaar ka mid ah kuwa mas’uulka ka ah xasuuqii Rwanda ka dhacay 1994 ee ka dhanka ahaa qowmiyadda Tutsi iyo Huutuuga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker