Maraykanka oo weerarro cusub ku qaaday Iran, xabbad-joojintii oo sii wiiqmeysa
Maraykanka ayaa xalay fuliyay mowjad cusub oo duqaymo ah oo ka dhan ah Iran, taas oo sare u sii qaaday xiisadda gobolka, xilli xabbad-joojintii ay labada dhinac gaadheen bishii Juun ay u muuqato mid sii burburaysa.
Sida uu baahiyay telefishanka Al Jazeera, ciidamada Maraykanka ayaa weerarro ka fuliyay magaalooyinka Iranshahr, Bandar Abbas, Konarak, Chabahar, Bushehr iyo Aq Qala oo ku taalla waqooyi-bari Iran.
Wakaaladda wararka Iran ee IRNA ayaa sheegtay in hal dab-demiye uu ku dhintay weerar lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Iranshahr.
Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in weerarradan lagu fuliyay amar uu bixiyay Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, si loo wiiqo awoodda Iran ee ay ku carqaladayn karto isu socodka maraakiibta marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz.
CENTCOM wuxuu ku eedeeyay Iran inay mas’uul ka tahay weerarro uu ku tilmaamay kuwo aan cudurdaar lahayn oo lagu qaaday maraakiibta ganacsiga iyo shaqaalaha rayidka ah ee maraya marin-biyoodkaas muhiimka ah.
Dhanka kale, wakaaladda Mehr ee Iran ayaa sheegtay in nidaamyada difaaca cirka ay la tacaalayeen badhtilmaameedyo ay ku tilmaantay kuwo cadow ah oo ku dhow dekedda Bandar Abbas. Mas’uuliyiin Iiraaniyiin ah ayaa sidoo kale u sheegay wakaaladda Fars in weerarrada Chabahar lagu beegsaday munaarad lagu hago isu socodka badda iyo bakhaar, halka warbaahinta dowladda Iran ay sheegtay in buundo tareen lagu weeraray magaalada Aq Qala.
Saacado kaddib weerarrada Maraykanka, seeriga digniinta duqaymaha ayaa ka yeedhay dalka Baxrayn, halka Wasaaradda Gaashaandhigga Kuweyt ay sheegtay in nidaamyadeeda difaaca cirka ay la tacaalayeen gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn.
Weerarradan ayaa imanaya maalin uun kaddib markii Madaxweyne Trump uu sheegay in xabbad-joojintii u dhexaysay Maraykanka, Israa’iil iyo Iran ay “soo afjarmatay”, inkasta oo uu tilmaamay in dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu raadinayo heshiis waara ay weli socdaan.




