Trump oo ka farxiyay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky
Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu u oggolaan doono Ukraine inay soo saarto gantaallada difaaca cirka ee Mareykanka ee Patriot, arrintaas oo loo arko guul weyn oo u soo hoyatay Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.
Ku dhawaaqistan ayaa timid kadib kulan ay labada hoggaamiye ku yeesheen hareeraha shir madaxeedka NATO, halkaas oo Trump uu hadallo wanaagsan ka sheegay dadaalka dagaal ee Ukraine.
Trump wuxuu sheegay in Kyiv ay si degdeg ah u soo saari karto gantaalladan, inkastoo uu xusay in shirkadda Mareykanka ee soo saarta Patriot aan weli arrintaas si rasmi ah loogu wargelin.
Zelensky ayaa sheegay in gantaallada Patriot ay yihiin habka ugu waxtarka badan ee lagu soo ridi karo gantaallada ballistic-ga ee Ruushka.
Dhanka kale, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa sheegay in bilihii la soo dhaafay Ruushku ay ku adkaatay difaaca hawadiisa, taasoo Washington ay rajaynayso inay horseedi doonto wadaxaajoodyo lagu soo afjarayo dagaalka.



