Puntland oo dalbatay in dalka Somaliya loo jiheeyo doorasho hufan oo lagu wada kalsoon yahay

Puntland ayaa ku baaqday in Soomaaliya loo jiheeyo doorasho xalaal ah oo hufan, laguna wada kalsoon yahay.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Farxaan Cali Maxamuud, ayaa hadalkan sheegay isagoo ka falcelinayay hadalkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku saabsanaa hirgelinta doorashada qof iyo codka ah, kaas oo uu ka jeediyay munaasabaddii caleema-saarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Aadan Madoobe ee ka dhacday Baydhabo.

Wasiirka warfaatinta ayaa sheegay in doorashada qof iyo codka ah ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku celceliyay ay tahay doorashadii lagu doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, taas oo uu sheegay in ay ahayd doorasho natiijadeeda horey loo sii ogaa.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Madaxweynaha uu ka tagay u hambalyeynta qof kale oo uu sheegay in hore loo sii magacaabay, islamarkaana munaasabadda caleemo saarka fadhiyay.

“Waxaa kaliya ee aad illoowday inaad u sii hambalyeyso ninka la og yahay oo goobta fadhiyay ee isna magacaaban,” ayuu yiri.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa intaas ku daray in wax kasta oo la dhoodhoobay aysan xal waara keenidoonin, balse ay sii kordhiyaan dhibaatooyinka hadda jira.

Wuxuu xusay in Puntland muddo dheer ka digaysay khaladaadka ka jira hannaanka siyaasadeed ee fslka, isla markaana dhacdooyinka hadda taagan ay caddeyn u yihiin digniintaas.

“Puntland waxay muddo fog kaga digaysay shacabka Soomaaliyeed khaladaadkan, waayaha ayaana marag madoonto u ah, waana hubaal in wax badani weli dhimman yihiin. Dalku doorasho xalaal ah ha aado,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in doorashooyinkii ka qabsoomay deegaannada Koonfur Galbeed ay astaan u yihiin jihada cusub ee Soomaaliya u qaaday dhanka dimuqraadiyadda, xasilloonida iyo dowlad-dhiska, waxa uuna carrabka ku adkeeyay in dalku uu ka gudbay xilligii ay doorashooyinku ku koobnaayeen dano gaar ah iyo siyaasado shaqsi ku salaysan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker