Nin u ololeeyn jiray Qadiyada Somaliland oo is Casilay
Nigel Farage ayaa sheegay inuu iska casilayo xilka xildhibaannimada deegaanka Clacton, taas oo keeni doonta doorasho ku celis ah isla markaana uu sheegay inuu mar kale isu soo taagi doono musharrax ahaan.
“Waa doorasho ay dadweynuhu kaga hor imaanayaan nidaamka hadda talada haya,” ayuu ku yiri muuqaal uu soo saaray, isagoo intaas ku daray in “dadka reer Clacton ay xukumi doonaan falalkayga.”
Tallaabadan ayaa timid ka dib muran ka dhashay kaalmooyin dhaqaale oo uu helay, kadib markii wargeyskaย The Sunday Timesย uu sheegay inuusan shaacin faa’iidooyin ay ka mid yihiin shaqaale iyo adeegyo amni oo uu ka helay saaxiibkiis muddada dheer, George Cottrell.
“Wax dambi ah ma gelin,” ayuu yiri, isagoo ku adkaystay inuusan “jebin sharciga xitaa wax yar,” isla markaana ku eedeeyay warbaahinta inay “arrinta buunbuuninayso oo ay weerarayso” qoyskiisa.
Hoggaamiyaha xisbiga Reform UK ayaa sidoo kale wajahaya su’aalo ku saabsan ยฃ5 milyan oo uu horraantii 2024 ka helay maalgeliyaha xisbiga, Christopher Harborne. Lacagtaas si rasmi ah looma shaacin, iyadoo Farage uu sheegay in loogu talagalay ilaalintiisa gaarka ah ee arrimaha xisbiga.




