IMO oo ka digtay xaaladda bini’aadantinimo ee 17 badmaax oo lagu haysto markab lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya

Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha (IMO) ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladda bini’aadantinimo ee ka jirta markabka MT Honour 25, oo ay burcad-badeed ku afduubteen xeebaha Soomaaliya, iyadoo sheegtay in 17-ka shaqaale ee saaran markabka ay muddo ka badan laba bilood ku jiraan gacanta afduubayaasha.

War-saxaafadeed ay soo saartay hay’addan oo ay ku mideysan yihiin 22 dal, ayaa lagu sheegay in xaaladda badmaaxyadu ay si degdeg ah uga sii dareyso, isla markaana loo baahan yahay dadaal caalami ah oo lagu xaqiijinayo sii deyntooda.

Sida lagu sheegay warbixinta, kabtanka markabka ayaa farriin toos ah u diray beesha caalamka, isagoo sheegay in dhammaan shaqaaluhu ay weli nool yihiin, balse shan ka mid ah, oo uu ku jiro kabtanka, ay la ildaran yihiin dhibaatooyin caafimaad.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in sahaydii cuntada ay ku soo koobantay bariis oo keliya, halka biyaha la heli karo lagu tilmaamay kuwo aan ku habboonayn cabitaanka.

Dhanka kale, hay’addu waxay walaac la mid ah ka muujisay xaaladda shaqaalaha saaran maraakiibta Sward iyo MV Eureka, oo iyaguna weli ku jira gacanta kooxaha afduubayaasha.

Guddoomiyaha Hay’addaan ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya, dowladda uu markabku ka diiwaangashan yahay, shirkadda iska leh markabka, shirkadaha caymiska, hay’adaha gargaarka iyo beesha caalamka inay si degdeg ah u xoojiyaan dadaallada diblomaasiyadeed, bani’aadantinimo iyo kuwa amni si loo xaqiijiyo sii deynta badmaaxyada lagu haysto xeebaha Soomaaliya.

IMO ayaa sheegtay in dib u dhac kasta oo yimaada uu kordhin karo halista soo wajahda nolosha, caafimaadka iyo badqabka shaqaalaha weli lagu haysto gacanta burcad-badeedda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker