Qoys gabadhooda nolosh ku gubayay oo laga badbaadiyay

Booliiska Gujranwala, gobolka Punjab ee dalka Pakistan, ayaa xiray haweeney iyo saddex carruur ah oo ay dhashay iyagoo lagu eedeeyay inay isku dayeen inay nolosha ku gubaan gabadheeda oo afar jir ah si ay uga bogsadaan cudur.

Booliiska ayaa waxaa ku wargeliyay arrintaan qof degan aagga ka ag dhawaaa oo sheegay inay maqli karaan qaylada ilmo yar oo guri u dhow ka soo yeeraysa, isagoo ilmuhu leh, “Ha i gubin.”

Booliiska ayaa sheegay in ninku uu isku dayay inuu galo guriga laakiin uusan ku guuleysan balse arrinta uu ku wargeliyay booliiska roondada.

Sarkaalka baaraya kiiska, Cali Akbar, ayaa BBC-da u sheegay in koox roondo ah ay tageen guriga, albaabka garaaceen, laakiin aysan jirin cid furtay, sidaas darteedna ay booliisku jabiyeen albaabka kadbina ay gudaha sidaas ugu galeen.

Shaqaalaha amniga maxalliga ah ayaa sheegaya in markii ay galeen guriga ay arkeen gabadha yar oo gacmo iyo lugah xarig looga xiray. Afar qof, oo ay ku jiraan laba dumar ah, ayaa gacmaha iyo lugaha hayay iyaga oo dab ku qabadsiiyay meel ka mid ah barxadda guriga ay degan yihiin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker