Xildhibaanno ka soo jeeda Puntland oo dalbaday inuu madaxweyne Xasan Sheikh xilka wareejiyo

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo laga soo doorto Puntland ayaa ku baaqay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka wareejiyo, iyagoo ku eedeeyay inuu ku tuntay dastuurka isla markaana uu dhaawacay nidaamka federaalka.

War-murtiyeed ay soo saareen ayay xildhibaannadu ku sheegeen in muddo-xileedka dastuuriga ah ee madaxweynaha iyo hay’adaha kale ee dowladda uu dhammaaday, ayna waajib tahay in la raaco dastuurka iyo habraacyada sharci ee kala-guurka.

Xildhibaannadu waxay sidoo kale ku eedeeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh inuu horseeday siyaasado ay ku tilmaameen kuwo wiiqay nidaamka federaalka iyo wadajirka dalka, iyagoo sheegay in dowladda federaalku faragelin ku hayso Puntland isla markaana ay sii hurisay khilaafaadka siyaasadeed iyo amni.

War-murtiyeedka ayaa lagu cambaareeyay waxa ay ku tilmaameen adeegsiga maleeshiyaad beeleed lagu magacaabay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo sheegay in arrintaasi ay dhaawacayso kalsoonida hay’adaha amniga.

Xildhibaannadu waxay ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka, nabadda iyo midnimada dalka, ayna ka fogaadaan tallaabo kasta oo keeni karta qalalaase siyaasadeed.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen beesha caalamka inay si dhow ula socoto xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda la xiriirta dhammaadka muddo-xileedka madaxweynaha, isla markaana ay taageerto xal kasta oo waafaqsan dastuurka iyo nidaamka federaalka.

Xildhibaanno ka soo jeeda Puntland oo dalbaday inuu madaxweyne Xasan Sheikh xilka wareejiyo
Xildhibaanno ka soo jeeda Puntland oo dalbaday inuu madaxweyne Xasan Sheikh xilka wareejiyo
Xildhibaanno ka soo jeeda Puntland oo dalbaday inuu madaxweyne Xasan Sheikh xilka wareejiyo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker