Puntland oo sheegtay in qorshaha qorista ciidamada Federaalka uu halis ku yahay xasilloonideeda

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta Puntland, Najiib Barkhadle Warsame, ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya in qorshaha ay ku sheegayso qorista ciidamo cusub uusan ahayn mid lagu dhisayo ciidan qaran, balse uu yahay dadaal lagu wiiqayo amniga iyo xasilloonida Puntland.

Najiib Barkhadle ayaa sheegay in mas’uuliyiinta dowladda federaalka ay ku dhawaaqeen qorshe lagu qorayo tobannaan kun oo askari, isagoo su’aal geliyay sababta ciidamo cusub looga qoranayo Puntland xilli uu sheegay in maamulkaasi uu muddo dheer safka hore kaga jiray dagaalka lagula jiro kooxaha argigixisada.

Wasiir Barkhadle ayaa sheegay in ciidamada hadda la qorsheynayo in laga qoro Puntland aan loogu talagelin dhismaha ciidan qaran ama xoojinta amniga dalka, balse uu rumeysan yahay in loo adeegsan doono abuurista qalalaase iyo carqaladeyn lagu sameeyo deegaannada xasilloon ee Puntland.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda federaalka inay ka dambeyso qorshe lagu khalkhalgelinayo Puntland, isagoo sheegay in shacabka Puntland looga baahan yahay inay ilaashadaan maamulka, dowladnimada iyo xasilloonida deegaannadooda, isla markaana aysan ku kadsoomin, sida uu yiri, olole siyaasadeed oo ka dhan ah Puntland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker