Madaxweynaha Cuba: Waxaan diyaar u nahay inaan dalkeenna u difaacno ilaa dhibicda ugu dambeysa ee dhiiggeenna

Madaxweynaha Cuba, Miguel Díaz-Canel, ayaa sheegay inuu si dhab ah u qaadanayo hanjabaadaha Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ee ku saabsan suuragalnimada in tallaabo milatari laga qaado Cuba.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay Sky News ayuu Díaz-Canel ku sheegay inuu diyaar u yahay inuu u dagaallamo dalkiisa iyo qiyamka bulshada Cuba “ilaa dhibicda ugu dambeysa ee dhiiggiisa.”

Wuxuu yiri:”Dagaal ma doonayno, balse sidoo kale kama baqeyno.”

Hadalka Madaxweynaha Cuba ayaa yimid kadib hanjabaado isdaba joog ah oo uu Donald Trump u jeediyay magaalada caasimadda ah ee Havana, iyo sidoo kale warar sheegaya in Mareykanku uu kordhiyay joogitaanka ciidamadiisa ee ku sugan meelaha u dhow xuduudaha badda ee Cuba.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker