Kulmiye oo taageeray aqoonsiga Somaliland iyo safaaradda Qudus

Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Kulmiye ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu taageersan yahay aqoonsiga Somaliland iyo xidhiidhka diblumaasiyadeed ee ay la yeelatay Israa’iil, oo ay ku jirto safaaradda Somaliland ee dhowaan laga furay magaalada Qudus, kadib markii uu xisbiga Kaah diiday meesha laga furay safaarada.

Wasiirkii hore ee isgaadhsiinta Somaliland, Cabdiweli Suufi Jibriil, oo ku hadlay afka xisbiga Kulmiye, ayaa sheegay in xisbigu aanu mowqif cusub qaadan, balse uu sii adkaynayo aragtidii uu hore u lahaa. “Xisbiga Kulmiye hore ayuu u caddeeyay mawqifkiisa. Waxa uu taageersan yahay aqoonsiga iyo xidhiidhka diblumaasi ee Somaliland la leedahay Israa’iil, oo ay ku jirto safaaradda Somaliland ee laga furay Qudus,” ayuu yidhi Cabdiweli Suufi.

Xukuumadda Somaliland ayaa iyaduna ku doodaysa in aqoonsiga Somaliland, safaarada iyo heshiiska ay la gashay Israa’iil ay yihiin laba arrimood oo aan la kala saari karin. Madaxweynaha Somaliland iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda ka tirsan ayaa sheegay in safaaradda laga furay Galbeedka Qudus, oo ay ku tilmaameen dhul ay Israa’iil leedahay, isla markaana tallaabadaasi ay qayb ka tahay heshiiskii horseeday aqoonsiga Somaliland iyo iskaashiga labada dhinac.

Dhinaca kale, xisbiga mucaaradka ah ee Kaah ayaa sheegay inuu taageersan yahay in Somaliland hesho aqoonsi caalami ah, hase yeeshee uu kasoo horjeedo in safaaradda Somaliland laga furo magaalada Qudus. Guddoomiyaha xisbiga Kaah, Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa hore u sheegay in xisbigiisu aanu diidnayn aqoonsiga, balse uu diidan yahay goobta safaaradda laga furay, arrintaas oo dhalisay dood ballaadhan oo siyaasadeed.

Mowqifka Kaah ayaa sidoo kale sababay kala aragti duwanaansho gudaha xisbiga dhexdiisa, iyadoo laba guddoomiye ku xigeen ay si cad uga horyimaadeen siyaasadda xisbiga ee la xidhiidha safaaradda Qudus. Mid ka mid ah ayaa xilkii laga qaaday, halka masuulka kalena uu si fagaare ah u sheegay inuu taageersan yahay aqoonsiga iyo heshiiska lala galay Israa’iil, inkasta oo aan weli la shaacin wax tallaabo ah oo laga qaaday.

Israa’iil ayaa ah dalka kali ah ee aqoonsan Somaliland, iyada oo labada dhinac ay wada galeen hishiisyo amni iyo dhaqaale, oo ay golaha Wasiirada Arbacaddii ansixiyeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker