Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suuriya oo booqasho ku tegay Lubnaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suuriya, oo booqasho ku jooga Lubnaan, ayaa kulan iyo wadahadallo la yeeshay Madaxweynaha Lubnaan Joseph Aoun iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Nabih Berri.

Booqashada Asaad Shaibani ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Dimishiq adkaysay inaysan wax damac ah ka lahayn faragelin milatari oo ay ku sameyso Lubnaan, inkastoo uu jiro cadaadis uga imaanaya Maraykanka.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa marar badan sheegay in Suuriya ay awood u leedahay inay “wax ka qabato Xisbullah”, isagoo sidoo kale dhaliilay istaraatiijiyadda Israa’iil ee dagaalka ay kula jirto kooxda uu Iiraan taageerto.

Hase yeeshee, Madaxweynaha Suuriya Ahmed al-Sharaa ayaa sheegay inuusan qorsheynayn inuu faragelin ku sameeyo arrimaha gudaha ee Lubnaan.

Bishii October 2025, Asaad Shaibani ayaa furay bog cusub oo xiriirka labada dal ah, taasoo ahayd booqashadii ugu horreysay ee sarkaal sare oo Suuriyaan ah uu ku tago Lubnaan tan iyo markii isbahaysiga Islaamiga ahi uu talada ka qabtay Suuriya.

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan Nawaf Salam ayaa isna booqday Suuriya bishii Maayo.

Maamulka cusub ee Suuriya ayaan xiriir wanaagsan la lahayn Xisbullah, oo hore u ahaa xulafo muhiim u ah madaxweynihii hore ee Suuriya Bashar al-Assad.

Tan iyo dabayaaqadii sannadka 2024, waxaa la jaray waddooyinkii ay Xisbullah u mari jirtay maalgelinta iyo hubka ee gudaha Suuriya, iyadoo mas’uuliyiinta Dimishiq ay sheegeen inay fashiliyeen isku dayo dhowr ah oo hub si qarsoodi ah loogu gelin lahaa Lubnaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker