Sacuudiga iyo Pakistan oo kala saxiixday heshiis iskaashi amni
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Sacuudiga iyo dhiggiisa Pakistan, Mohsin Naqvi, ayaa magaalada Riyadh ku kala saxiixday is-afgarad (Memorandum of Understanding) lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee dhinaca amniga.
“Waxaan dib u xaqiijinay sida ay nooga go’an tahay xoojinta iskaashiga amniga ee u dhexeeya labada dal, waxaana saxiixnay is-afgarad ku saabsan iskaashiga dhinaca amniga,” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Sacuudiga, Cabdulcasiis bin Sacuud bin Naayif.
Wuxuu sheegay in tallaabadani ay muujinayso adkeysiga iskaashiga istaraatiijiga ah iyo baaxadda xiriirka taariikhiga ah ee muddada dheer ka dhexeeya Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan.
Intii uu booqashada ku joogay Riyadh, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Pakistan ayaa sidoo kale booqday Xarunta Midaysan ee Hawlgallada Amniga 911 ee gobolka Riyadh.




