Maraykanka oo qarka u saaran shaqo-joojin iyo ismari waa adag oo u dhaxeeya Trump iyo Golaha Senat-ka
Senatarrada Mareykanka ayaa ku guul darreystay inay ansixiyaan hinise-sharciyeed daqiiqaddii ugu dambeysay si looga hortago inay shaqada joojiso dowladda.
Dhammaan dammaanad qaadka maalgelinta ayaa go’i lahaa saqda dhexe ee ET (04.00 GMT).
Shaqo joojinta dowladda, oo ah kii ugu horreeyay tan iyo 2018-19, waxay keeni kartaa qaar – laakiin maaha dhammaan – adeegyada dawladda Mareykanka inay si ku meel gaar ah u istaagaan.
Madaxweyne Donald Trump wuxuu shaqaalaha federaalka ugu hanjabay “shaqo ka cayrin ballaaran” oo aan laga laaban karin” haddii shaqo joojintu dhacdo.




