WhatsApp oo u ogolaaneyso dadka isticmaala in ay lambar la’aan adeegsadaan app-ka

WhatsApp ayaa diyaar u ah inay dadka u ogolaato inay sheekaystaan iyagoon u baahnayn inay shaaciyaan lambarkooda taleefanka – iyagoo beddelanaya magacyadoodo gaarka ah.

Waxay dunida oo dhan gaaraysaa bilaha soo socda taa oo ay ka faa’iideysan doonaan saddex bilyan ee qof ee haysta akoonnada barnaamijka, sida ay sheegay shirkaddu.

Toddobaadkan, isticmaalayaashu waxay bilaabi karaan inay magac u kaydsadaan abka, inkastoo aysan qasab noqon doonin.

Shirkaddu waxay sheegtay in dadku ay awood u yeelan doonaan inay ka saaraan ama beddelaan magacyadooda wakhti kasta.

Marka si buuxda loo hawlgeliyo, isticmaalayaasha WhatsApp waxay awoodi doonaan inay isku xirmaan ka dib markay is dhaafsadaan magacyadooda oo keliya. Wali waxaa jiri doona ikhtiyaarro lagu xannibo ama lagu soo sheego farriimaha aan loo baahnayn.

Magacyadu waxay ku koobnaan doonaan 35 xaraf waxaana jiri doona xaddidaadyo yar, marka laga reebo qaar ka mid ah dadka mansabka leh iyo dadka caanka ah oo aan magacyadooda looogolaan doonin cid kale.

Markaa waxay u badan tahay in WhatsApp u xadidoono in ay jiraan dadyoow xad dhaaf ah oo ku qoran kara akoonkooda Donald Trump, tusaale ahaan.

Shirkadda ay leedahay Meta waxay magacyada isticmaalayaasha ku tilmaantay astaan sir ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker