Khilaaf ka dhashay lacagta madax-furashada oo dib u dhigay sii deynta badmaaxiinta Masaarida ee lagu haysto Soomaaliya
Wadahadalladii lagu doonayay in lagu sii daayo badmaaxiin Masaari ah oo lagu haysto markab shidaal oo lagu afduubay meel u dhow xeebaha Soomaaliya ayaa hakad galay, kaddib markii uu khilaaf ka dhashay lacagta madax-furashada, sida ay sheegeen qoysaska qaar ka mid ah badmaaxiinta.
Sida ay wararku sheegayaan, waxaa hore loo gaaray heshiis hordhac ah oo dhigayay in la bixiyo 2 milyan oo doolar si loo sii daayo markabka iyo shaqaalihiisa. Hase yeeshee, milkiilaha markabka ayaa la sheegay inuu dib uga laabtay heshiiskaas, isagoo soo jeediyay in lacagta looga dhigo 500 kun oo doolar, arrintaas oo dib u billowday wadaxaajoodyadii.
Akram Mukhtaar, oo ah aabbaha mid ka mid ah saraakiisha markabka, ayaa sheegay in wadaxaajoodyadu marayeen heer gabagabo ah, balse isbeddelka ku yimid heshiiska uu sababay xiisad cusub, isla markaana uu sare u qaaday walaaca laga qabo badqabka shaqaalaha markabka.
Dhankiisa, Camr Akram oo ay walaalo yihiin mid ka mid ah badmaaxiinta la haysto, ayaa sheegay in dib u furista wadahadalladu ay xaaladda sii adkaysay, isagoo ugu baaqay mas’uuliyiinta inay dadajiyaan xal lagu sii daayo badmaaxiinta.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa sheegtay inay waddo xiriirro heer sare ah oo ay la leedahay dhinacyada ay khusayso ee Soomaaliya, si loo hubiyo badqabka badmaaxiinta loona dedejiyo sii deyntooda.
Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in safaaradda Masar ee Muqdisho ay si joogto ah ula xiriirayso mas’uuliyiinta Soomaaliya, isla markaana la sameeyay hannaan ay qoysasku kula xiriiri karaan ehelladooda si ay ula socdaan xaaladdooda.
Markabka shidaalka ee MT Eureka ayaa la afduubay horraantii bishii May xilli uu marayay meel u dhow xeebaha Yemen, waxaana tan iyo 2-dii May saarnaa 12 badmaax oo la haysto, kuwaas oo ay ku jiraan 8 Masaari iyo 4 Hindi ah.




