Farriinta uu madaxweyne Cirro u diray dalalka Islaamka
Madaxwaynaha jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulahi Cirro ayaa ka hadlay aqoonsigii Somaliland ee Israa’iil.
Waxaa uu sheegay in aqoonsiga uu ahaa mid laba geesood ah oo ay labada dhinac is aqoonsadeen.
Waxaa u sheegay in aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland ak dib labada dhinac ay ku heshiiyeen in safiiro la is waydaarsado taasi oo dhacday.
“Israa’iil way na aqoonsatay , anagana iyaga ayaan aqoonsanay, israa’iil markii ay na aqoonsatay dalalka islamka way naga soo horjeesteen dhammaantood, waxay yiraahdeen aqoonsiga Somaliland ma ogolin, waxaan magacaabay safiir, waxay yiraahdeen safiirka ma ogolin, waxaan furay safaarad, waxay yiraahdeen safaaradda ma ogolin, maxay doonayaan, bal idinku ka jawaaba” ayuu yiri mr Cirro.
Waxaa uu Madaxwaynaha Somaliland fariin u diray dalalka Carabta iyo kuwa muslimiinta.
“Waxaa uu farriin u diray dalalka Islaamka isaga oo yiri, “walaalayaal waanu idin baahanahay waanu idin jacelnahay walaalaheenna ayaad tihiin na arka” ayuu yiri
Waxaa uu madaxwaynaha si gaar ah uga hadlay go’aanka safaaradda ay ka fureen magaalada Qudus.
“Waxaanu ku heshiinay inaanu safaarado kala furano, safaaraddii waanu furnay, waxaanu ka furnay Qudus, wuxuu ahaa go’aan sax ah, waa go’aan aan ka noqosho lahayn,” ayuu yiri madaxwaynaha Somaliland.
Madaxwaynaha Somaliland ayaa ku andacooday in goobta ay safaaradda ka fureen ee Qudus ay tahay goob “carabtu u aqoonsan yihiin dhul ay Israa’iil leedahay”.
“Safaaradu waxaanu ka furnay galbeedka Qudus oo ah dhul ay dalalka carabta u aqoonsan yihiin dhul ay Israa’iil leedahay .
Madaxwaynaha ayaa hadaladan ka jeediyay shir ay shalay yeesheen xubnaha xisbaga talada haya ee wadani.




