Dad ku dhintay dhisme ay ku noolaayeen 200 qof oo dab qabsaday
Booliska Belgium ayaa sheegay in dhowr qof ay ku dhinteen dab ka kacay dhisme dabaq ah oo ku yaalla magaalada Antwerp. Tirada saxda ah ee dhibbanayaasha lama oga weli, waxaana socda baadi-goob loogu jiro dadka ku haray gudaha dhismaha.
Adeegga dab-demiska ayaa sheegay in qiiq culus uu adkaynayo hawsha samatabbixinta.
In ka badan 200 qof ayaa ku nool dhismahaas oo ka kooban toban dabaq.




