Muuse Biixi: Somaliland Waa Inay Ka Digtoonaato Isbeddellada Siyaasadeed Ee Gobolka iyo Dunida
Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay si xeeldheer u daraasadayso isbeddellada siyaasadeed ee ka socda gobolka iyo caalamka, si looga fogaado, sida uu sheegay, khaladaad siyaasadeed oo wax u dhimi kara danaha Somaliland.
Qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook munaasabadda 26-ka Juun awgeed, Muuse Biixi ayaa hambalyo u diray shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan, isaga oo xusay in 26-kii Juun 1960 ay ahayd maalintii Somaliland ka xorowday gumaystihii Ingiriiska, isla markaana ay heshay madaxbannaani iyo aqoonsi caalami ah. Wuxuu sheegay in midowgii dhacay 1-dii Luulyo 1960 uu noqday “cashar siyaasadeed oo lama ilaawaan ah.”
Biixi ayaa sheegay in dunidu maanta wajahayso isbeddello siyaasadeed oo waaweyn, isaga oo tilmaamay in colaadda Bariga Dhexe ay saamayn ku yeelatay Geeska Afrika. Waxa uu sidoo kale xusay in natiijada ka soo baxda wada-hadallada u dhexeeya Iran iyo Maraykanka ay wax ka beddeli karto qaab-dhismeedka siyaasadeed, amniga iyo dhaqaalaha, gaar ahaan Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika.
Biixi ayaa sheegay inay sii kordhayso saamaynta dalalka Muslimka ah sida Iran, Pakistan, Turkiga, Masar iyo Sacuudiga, isaga oo intaa ku daray inay suuragal tahay inay dalalkaasi isu soo dhowaadaan, taas oo uu ku sababeeyay is-maandhaafka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya hoggaanka Maraykanka iyo Israa’iil.
Waxa uu ku boorriyay xukuumadda Somaliland inay si qoto dheer u qiimayso culayska iyo natiijooyinka ka dhalan kara heshiisyada iyo isbeddellada caalamiga ah, isla markaana ay tallaabooyinka ay qaadayso ku salayso danta Somaliland si looga baaqsado hubanti la’aan iyo khaladaad siyaasadeed.
Hadalka Biixi ayaa imanaya kadib safarkii uu shalay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), kaga soo laabtay Israa’iil, iyada oo labada dhinac ay gaadheen heshiisyo iskaashi oo hordhac ah intii lagu jiray booqashadii uu ku tagay Israa’iil.
Biixi ayaan si toos ah u xusin xidhiidhka cusub ee Somaliland iyo Israa’iil, hase yeeshee wuxuu booriyay in xukuumaddu si taxaddar leh u qiimayso isbeddellada gobolka iyo dunida, isla markaana ay mudnaanta siiso ilaalinta danaheeda.




