Madaxweyne Xasan Sheekh: Soomaaliya ma diidin muwaadiniinteeda, balse waxay dooneysaa in la xaqiijiyo dadka la soo celinayo
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Federaalka aysan diidin dib u soo celinta muwaadiniinteeda, isagoo ka jawaabay go’aankii Midowga Yurub ee lagu adkeeyay bixinta fiisooyinka muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Khudbad uu jeediyay munaasabadda 26-ka Juun, Madaxweynaha ayaa sheegay in khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub uusan salka ku hayn diidmada muwaadiniinta Soomaaliyeed, balse uu ku saabsan yahay habka loo xaqiijinayo aqoonsiga dadka la doonayo in dib loogu soo celiyo dalka.
“Waa naloo sheegay in Midowga Yurub uu xayiraad ku soo rogay fiisooyinka Soomaalida, iyadoo lagu eedeeyay in Soomaaliya ay diidday muwaadiniinteeda. Arrintaasi sax ma aha. Muwaadin Soomaaliyeed dalkiisa lama diidi karo, mana diidi doonno,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ay jiraan dad markii ay magangelyo ka dalbanayeen Yurub isku sheegay Soomaali, balse markii dib loogu soo celiyay Soomaaliya la ogaaday inaysan Soomaali ahayn, xitaa aysan aqoon afka Soomaaliga.
“Waxaan rabnaa in marka hore la hubiyo in dadka la soo celinayo ay dhab ahaan yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed. Haddii ay yihiin, waan soo dhaweynaynaa. Haddii aysan Soomaali ahayn, waa in loo celiyo waddankii ay asal ahaan ka yimaadeen,” ayuu yiri.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay si joogto ah u dirto wafdi iyo saraakiil xaqiijiya aqoonsiga dadka la qorsheynayo in dalka lagu soo celiyo, isagoo xusay in mararka qaar xitaa diyaarado loo diro soo daadgureynta muwaadiniinta la xaqiijiyay.
Hadalka Madaxweynaha ayaa yimid saacado kadib markii Golaha Midowga Yurub uu ku dhawaaqay inla xaddiday fiisooyinka Soomaalida. Midowga Yurub ayaa sheegay in go’aankaasi uu daba socdo qiimeyn lagu sheegay in wada shaqeynta Soomaaliya ee dib u soocelimta muwaadiniinta sharci darrada ku jooga dalalka Yurub aysan ku filnayn.




